26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Maxkamad xukuntay in hanti Somalia ay leedahay la siiyo ganacade ajnabi ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Adan (Caasimada Online) Maxkamad ku taalla magaalada Caddan ee dalka Yemen, ayaa waxa ay u xukuntay nin ganacsade reer Yemen ah in la siiyo seddax ka mid ah afar markab oo ay lee dahay Soomaaliya oo hadda ku xiran dekedda Caddan.

Xuseen Xaaji Axmed oo ka mid ah mas’uuliyiinta qusliyada Soomaalida ee Caddan ayaa VOA-da u sheegay in maxkamaddu ay xukuntay maraakiibtii ay maamuli jirtay shirkadda SHIFKO, wuxuu sheegay ninkan in sheegay in uu lacag ku lee yhaay maraakiibta Soomaalida ee yaalla Yemen.

“Ma ahan go’aan la saadalinayay, waayo Madaxweyne Cabdi Rabuu Mansuur Haddii ayaa amar ku bixiyay kal horre in maraakiibtan laga cafiyay lacagtii lagu lahaa, waxaana dhawaan la filiyay in maraakiibtan loo jiido Soomaaliya, waayo dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkad Talyaani ah” sidaas waxaa yiri Xuseen Xaaji Axmed.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in dib loo howgallin doono maraakiibtii Soomaaliya ay lahayd, kuwaasoo kala ahaa Cusmaan Geedi Raagge, Faarax Oomaar iyo 21-ka Octer One iyo Two.

Maraakiibtan ayaa dhowr sanno waxa ay yaaleen dekedda Caddan waxaana lagu soo warramayaa in qaar kood ay hoos ka duleesameen oo ay biyo soo galeen.

Maamulka dekedda Caddan ayaa ku fikiray in maraakiibtan laga durqiyo dekedda maadama ay halis keeni karaan, waxaana ganacsadahan uu sheegay in lacago badan uu ku lee yahay shirkadii maamuli jirtay maraakiibtan ee Shifko, taasoo uu shidaal siin jiray markii uu burburay qaranka Soomaaliya.

Arrintan waa boob toos ah oo lagu hayo hantidii qaranka Soomaaliya, waxaana looga fadhiyaa in ay tallaabo qaado dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News