Nairobi (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ka hadashay Wareysi Muuqaal ah oo la soo dhigay baraha Online, kaasoo laga duubay garbar suxufi oo sheegtay in ay xoogeen suxufiyiin u shaqeeya Idaacadda dowladda ay maamusho ee Radio Muqdisho.
Afhayeenka Madaxweynaha Eng Cabdiraxmaan Yarriisow oo war-qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in wareysigaas uu yahay been abuur aan sal lahayn, wuxuuna sheegay in dowladda asyan raali ka ahayn in kufsi lagula kaco gabar Soomaaliyeed.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in gabadha oo 19-jir ah iyo Wariyaha Wareystay in la soo xiray maalmaha soo socdana la soo taagi doono maxkamad.
Wareysiga laga qaaday dhibanaha oo la soo dhigay YouTube, ayaa waxa ay ku sheegtay magacyada ragga kufsaday kuwaasoo handadaad iyo caga jugleen u geestay.
“Waxay qiratay in uu caddaadis saaray Maxamed Bashoor oo ka tirsan Radio Shabeelle,” Eng Yarriisow ayaa sidaas u sheegay Al-Jazeera isagoona intaas ku daray in booliska ay soo xireen wariyaha iyo gabadha la Wareystay.
Dhinaca kale, Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay baarto warkan ku saabsan in gabar wariye ah ay kufsadeen wariyaan u shaqeeya Idaacadda Dowladda.
Bishii la soo dhaafay, ayaa ciidamada dowladda waxa ay weerar ku qaadeen Xarunta Idaacadda Shabeelle, iyagoona xiray dhammaan wariyaashii joogay dabadeedna irdadaha isugu laabay Idaacadda.
Bishii February ee sannadkan, ayaa maxkamad ku taalla Muqdisho waxa ay xukuntay Wariye wareystay gabar ay kufsadeen ciidamada dowladda, waxaana lagu xukumay hal sanno oo xarig ah, balse goordame ayaa la sii daayay.
Wariyahaas tan iyo xilligaas wuxuu ka soo cararay Soomaaliya isagoona u soo wareegay caasimada Uganda ee Kampala.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi