26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

DHAGEYSO: Baarlamaanka Somalia oo ku kala qeybsan mooshinka SAACID

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay mooshin ka dhan ah ra’isul wasaaraha oo qaar ka mid ah xildhibaanada ay u gudbiyeen gudoonka Sare ee baarlamaanka .

Wuxuu sheeegay in xilligan baarlamaanka Somalia ay ku horgudban yihiin howlo badan oo ay ka mid yihin xalinta khilaafka madaxda sare ee dalka , waxaana uu tilmaamay in xildhibaanadu xal laga doonayo iyaga balse aan loo baahneyn inay iyagu xiisada sii kciyaan .

Daahir Amiin Jeesoow, Wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlmaanka Somaliaay yihin kuwa xalka laga sugayo xilligana ay qalad tahay mooshinka ay ka keeneen Xukuumada Somalia taasina ay muujineyso inay garab gooni ah libinta siinayaan

Mudanayaal ka  tirsan baarlamaanka Somalia oo gaaraya ila 168 mudane ayaa shaaly gudoonka Sare ee baarlamaanka u gudbiyay Mooshin ka dhan ah xukuumada Somalia.

Khadiijo Maxamed Diiriye, oo qeyb ka aheyd xildhibaanada mooshika ka keenay ra’isul wasaare Saacid ayaa shegtay in xukuumada Somalia ay ku dhaliilayaan waxqabad la’aan mudadii ay jirtay ah .

Su’aasha ugu badan dadkun ay is weydiinayaan ayaa ah waxa xilligan mooshinka kusoo beegay iyadoo uu wali jiro khilaafka madaxweynaha Somalia iyo ra’isul wasaraha .

Warar ayaa sheegaya in mooshinkan uu wax ka ogyahay madaxweynaha Somalia inkastoo Khadiijo madaxmeed Diiriye ay sheegtay in Mooshinkan iyo khilaafka madaxda uusan waxiriir ah ka dhexeyn .

Halkaan hoose ka dhageyso Daahir Amiin Jeesoow

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News