25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Fadhigii Barlamanka ee mooshinka oo soo dhamaaday (Maxaa kasoo baxay?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha Golaha Baalamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa goordhow sheegay in dib loo dhigay ka dooddida mooshinka laga keenay raysal wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa fadhigga maanta uu ka duwan kuwii horre, waxaa jooga xildhibaanno gaaraya 248-mudane sida uu soo sheegay guddoonka baarlamaanka

Waxaa la xulay illaa 80 xildhibaan oo kala matalin doono labada dhinaca ee dhinaca mooshinka keenay iyo kuwa kasoo horjeeda, kuwaasi oo berri doodi doona.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa wuxuu sheegay in dib loo dhigay mooshinka iyo ka doodistiisa, islamarkaana laga doodi doono berri insha allah, islamarkaana codka la qaadi doono.

Maxaa sabab u in dib loo dhigo doodda?

Waxaa sabab u ah sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka markii 80-ka mudane ee isku soo tagay doodda kuwaasoo loo wayay waqti maadama uu xilliga uu yeraa.

Guddoomiyah baarlamaanka ayaa tilmaamay in maalinta berri marka ay saacadu tahay 9:00 am xilliga Muqdisho uu furmi doono shirka.

Kulanka maanta ayaa uga duwanaa kulamadii horre, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka oo garabkiisa fadhiya labadiisa ku xigeen uu xildhibaannada kula dardaaray in muujiyaan mas’uuliyad iyo karti.

Kulanka maanta waxaa ka hor istaagay mudane sheegay in uu ka laabtay mooshinka laga keenay raysal wasaaraha sida uu hadalka u dhigay.

Ammaanka xarunta waxaa ku sugan ciidamo AMISOM iyo kuwa dowladda, mana cadda sida ay wax noqon karaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdishi

[email protected] 

- Advertisement -

Read more

Local News