25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Cali Khaliif Galeyr oo weeraray P/land

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaal ka dhacay degmada Taleex ee gobalka Sool, kaasoo dhexmaray maleeshiyaad kala taageerasan Maamullada Puntland iyo Khaatumo.

Xildhibannada oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxaa u hadla Cali Khaliif  Galayr, kaasoo sheegay in dagaalkaas lagu dilay ku dhawaad 1o-qof oo rayid ah kuwaasoo ay dileen ciidamo Puntland ka tirsan oo soo weeraray Taleex sida uu hadalka u dhigay.

Cali Khaliif ayaa tilmaamay in dad kale ay ku dhaawacmeen hantina lagu burburiyay, wuxuuna sheegay in ay laga soo abaabulay Puntland maadama ciidamo ay u direen Taleex.

Sidoo kale shirka jaraa’id waxaa ka hadlay xildhibaan Cabdi Rashiid Cabdullaahi Maxamed kana soo jeeda deegannada Khaatumo ay maamusho, wuxuu sheegay in ciidamada soo weeraray Taleex ay geesteen wax uu ugu yeera xasuuq lagu dhiig banaysanayo dadka reer Taleex.

Si kastaba, Maamullada Puntland iyo Khaatumo ayaa dhowr cisho ka hor waxa ay ku dagaalameen deeganno ku yaalla gobalka Sool, waxaana dagaladaas ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News