26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay hadal kasoo yeeray dowladda Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeeray taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya Gen. Gaafow, waxayna Somaliland sheegtay inaysan waxba ka jirin warka ay sheegtay dowladda Soomaaliya oo ahaa in baasaboorka cagaaran ee Soomaaliya si foojari amaba been abuur ah loogu sameeyo magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, kaas oo ay dowladda Soomaaliya horay u mamnuucday isticmaalkiisa.

Taliyaha laanta socdaalka maamulka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin eedayma ay dowladda Soomaaliya u soo jeedisay maamulkiisa, wuxuuna intaasi ku daray in baasaboorka cagaaran ee Soomaaliya aan si foojari ah loogu sameynin magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in baasaboor E-ah oo u gaar ah Somaliland ay soo sameysteen sida uu yiri.

Sidoo kale taliyaha laanta socdaalka maamulka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf waxa uu sheegay inaysan deegaanada Somaliland soo caga-dhigan karin dad aan sharci heysanin, waxaanu sidoo kale beeniyay warar sheegayay in baasaaboorka Soomaaliya si foojari ah loogu sameeyo Somaliland, wuxuuna y iri isagoo ka hadlaya arrinkaasi “Ma Jiro baasaaboor ay Somalia leedahay oo Hargeysa si foojari ah loogu sameeyaa ma jirto”.

“Arrintaas waxa keentay markii koox si qarsoodi ah oo isku sheegaya inay dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ay bilaabeen sameynta waxyaabo aan sharci aheyn oo dhanka baasaboorka Soomaaliya ku saabsan, dadkaasi si qarsoodi ah ayey ugu sameyn jireen guri ku yaala Hargeysa baasaboorka Soomaaliya, ka dibna markii ay ogaatay ciidanku ay gacanta ku soo dhigeen kooxdaasi qarsoodiga ku sameyn jirtay baasaaboorka Soomaaliya, markii albaabada laga xiray xafiiska guriga ahaa waxay keentay in dowladda Soomaaliya ay dacaayad ka fidiso Somaliland oo ay tiraahdo baasaboorka Soomaliya ayaa si been abuur ah Hargeysa loogu sameeyaa” ayuu yiri Taliyaha laanta socdaalka maamulka Somaliland.

Sidoo kale taliyaha waxa uu sheegay inaysan jirin sabab ay Somaliland u foojari gareyso baasaaboor dal kale, taas bedelkeedana waxa uu sheegay in Somaliland ay gaarkeeda u leeyahay basaaboor sharci ah, wuxuuna yiri “Somaliland waxay leedahay basaaboor, kaas baanu si xalaal ah u samaynaa, cid kasta oo dalka timaadaana ay ku soo gashaa”.

Dhinaca kale taliyaha waxa uu sheegay in deegaanada Somaliland lagu soo geli karo oo keliya basaaboor, wuxuuna yiri “Garoomada diyaaradaha Hargeysa iyo Berbera kama soo degi karo cid aan sidan Basaaboor sharci ah, maxaa lagu garanayaa qofku cida uu yahay haddii aanu sidan baasaaboor sharci ah, madaarka Hargeysana waanu ka joojinay inay ka soo degto cid aan basaaboor sharci ah sidanin, nama quseyso dalkii bilaa basaaboor ku soo daynaya dadkaasi, laakiin annagu waxa aanu diyaar u nahay, Somaliland ciddii soo gelaysaa inay sidato baasaaboor sharci ah”.

Isha: Radio Dalsan

- Advertisement -

Read more

Local News