Waxaan waayadan ku wareeray waxa ay Soomaaliya tahay, Ma hal dalbaa mise dalal badan oo mid isku ah?. ka dib markii aan dhegeystay Siyaasiyiinta reer Soomaaliland iyo xitaa kuwa kale reer Koonfureedka ah oo marka ay hadlayaan ka dhigaya Soomaaliya sida dalal dhowr ah,waxaa iyagana wadadaasi maray Warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga.
Inkasta oo dalka Soomaaliya uu ka dhacay dagaal sokeeyo hadana waxaa uu Caalamku u aqoonsanaa dal ka mid ah dalalka Caalamka, Waxaana tusaale u ahaa sida uu Calanka Soomaaliya uu uga babanayey Maxaafisha dowliga ah.Hadda oo ay ka jirto dowlad rasmi ahna wali waxa loo aqoonsan yahay dal mid ah walibana xor ah.
Maadaama ay Soomaaliya ka tirsaneyd Ururo Caalami iyo kuwa Goboleedba marna ma banaanaanin Korsigeedii xitaa intii aan la dhisin dowladihii Ku-meelgaarka ahaa,Waxaa Iyadana xusid mudan in ay shaqeynayeen Safaaradihii ay ku lahayd Caalamka taas oo muujineysey in ay wali tahay dal xor ah oo jira.
Markii ay dhacday Dowladdii dhexe waxaa laga dhisay Wadanka Maamulo qaar sheegay in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale sida kan la magac baxay Soomaaliland kaas oo ilaa Maanta aan cidana aqoonsan,iyo kuwa kale sida kan Puntland,Galmudug,Jubaland iyo kuwa kale oo soo socda.
Maadaama uu Caalamku ku dhaqmo Xeerar iyo Qawaanin Caalami ah waxa ay aqoonsan yihiin in Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay midda kaliya ee matasho Dalka iyo dadka Soomaaliyeed Waxaana tusaale u ah Shirarka Caalamiga ah ee ay ka qeyb gasho Iyadoo matalayso dadka Soomaaliyeed.
Waxaa tusaale labaad u ah in ay Iyadu ku fadhiso dhamaan kuraastii ay Soomaaliya ku lahayd Ururdadi iyo Hay’adihii ay ka tirsaneyd sida Qaramada Midoobay,Midowga Africa,Jaamacadda Carabta,Ururka Islaamka iyo Ururka Goboleedka Igad.
Waxaa tusaale Sedexaad u ah in Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya ay Safaaradahooda ka furteen Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya sidoo kalena ah Xarunta ay degan tahay Dowladda Federaalka.
Dhamaan astaamihii aan soo sheegay waxa ay muujinayaan in Soomaaliya ay tahay dal mid ah oo aan kala go’in hadana Xor ah,Xuduudyadeedii ay sidoodii yihiin ayna ka jirto hal dowlad ah,Waxa Iyada ka soo harayna ay yihiin Maamulo ka jira gudaha Wadanka magac kastaaba hala baxeene waana sida uu Caalamku aqoonsan yahay.
Hadaba maxaan qoonsaday?
Sida aan soo sheegay maadaama uu Caalamku u aqoonsan yahay Soomaaliya dal mid ah,Dowladda Federaalkuna tahay midda kaliya ee matasho Dalka iyo Dadka Soomaaliyeeda.Hadaba ma xaqbaa in loola dhaqmo Dalka sida dal ay ka jirto Sedex dowladood ama Sedex wadan.
Marka aad dhegeysoto Siyaasiyiinta Soomaalida ama xitaa qaar ka mida Warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga sida BBC-da iyo VOA-da waxaa aad maqleysaa Iyaga oo dhahayo “Soomaaliland,Puntland iyo Soomaaliya” ama Soomaaliland iyo Soomaaliya”.Ma aqoondaraa jirta mise waxani waa iska yeel yeel.waxa ay ahayd in sidan loo dhigno ” Soomaaliya iyo Maamulka la magac baxay Soomaaliland ee sheegay inuu ka go’ay Soomaaliya.
Puntland iyo Maamulada kale ee jira maadaama aysan Iyagu sheegin in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale waa in loodhiga sidatan marka laga hadlayo “Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya”.Ogaadana haddii macaawino si toos ah laguu siiyey macnaheeda ma ahan in lagu aqoonsaday ama aad tahay dal madax banaan.
Gabab gabadii waxa aan leeyahay Dalkan kama jirto dhowr dowladood kamana koobno dhowr dal oo mid isku ah sida dadka qaar u dhigayaan. Soomaaliland ma’ahan dal ka madax banana Soomaaliya ama dowlad la’aqoonsan yahay marka waxa aan ku talin lahaa in wax la saxo Dalkana laga dhaafo hagardaamada waa haddii Soomaalinimadu dhab naga tahay.
Talooyin ku socda Warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga.
1-In Wariyayaasha si fiican loo tababaro si looga fogaado khaladaadka dhacayo Maalin kasta.
2-In aad xulataan ereyada ku haboon warbixinta aad ka hadlaysaan lana timaadaan erey bixin fiican marka aad fasireysaan luuqadaha aan Soomaaliga ahayn.
3-In aad ilaalisaan Madax banaanida Wadanka Soomaliya si aan la idinkaga qaadin Sharciga aad ku shaqeysaneysaan.
4-In aad si fiican u fasirtaan ereyada khalaad (aan Soomaliga ahayn) ee ku jira Warbixinada aad soo gudbineysaan si ay u fahmaan dadweynaha idin dhegeysanayo.
5-In aad Mujtamaca ka ilaalisaan waxyaabaha diin ahaan iyo dhaqan ahaanba aan fiicneyn ee Maalin kasta aan ku aragno Idaacadaha,Tv-yada iyo waliba Website-yada sida sawirada dumarka qaaqaawan.
W/Q: Cabdullahi Ibrahim
[email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online