27.3 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Mucaaradka P/L oo ka soo horjeestay guddi u magacaabay Faroole

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) War ay wadajir u soo saareen mucaaradka Puntland, ayaa lagu sheegay in ay ka soo horjeedaan guddi uu maanta magacaabay madaxweyne Puntland, kaasoo uu sheegay in ay yihiin guddiga xallinta iyo khilaafaadka doorashadda Puntland.

Mucaaradka u taagan doorashada Puntland ayaa iyagoo ku kala sugan Puntland, waxa ay sheegeen in madaxweynaha uusan xaq u lahayn in uu kaligiis soo magacaabo guddi.

Musharrixiinta hadlay waxaa ka mid ah Cali Xaaji Warsame, isagoo ku sugan Garoowe ayuu saxaafadda u sheegay in madaxweyne Faroole ay horrey ugu sheegeen in uusan  kaligiis soo dhisi karin guddiga xallinta khilaafkaadka.

“Waxaan rabaa in aan caddeeyo guddiga uu madaxweynaha magacaabay waa mid baal marsan sharciga, annaga nalama tashan, waxa ahayd in la isla soo xulo guddiga, maadama uu Faroole ka mid ah yahay musharrixiinta, sidaas darteed, waa uu garab maray sharciga la isku ogaa sidaas darteedna annagu waxaan soo dhisi doonaa maamulaha soo socda guddi kale oo ay aan ku mideesanahay” ayuu yiri Musharrax Cali Xaaji Warsame.

Sidoo kale, hadalkaasoo kale waxaa isna sheegay ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadda ku sii jeeda magaalada Garoowe.

Wuxuu sheegey guddigga uu magacaabay Faroole in uu  yahay mid aan sharci ahayn isla markaana ay ka soo horjeedaan sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, madaxweynaha Puntland Faroole oo maanta saxaafadda la hadlaayay ayaa sheegay in uu xaq u lee yahay in uu soo magacaabo guddiga xallinta khilaafkaadka doorashadda Puntland.

Madaxweynaha ayaa u cuksaday arrintaas doorashadii dhacday 2004 iyo 2008 oo ay soo magacaabeen xilligaas madaxweynayaashii horre AUN Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Gen Cadde Muuse.

Balse Gen Cadde Muuse oo arrintaas la weydiiyay maadama uu ahaa madaxweynihii Puntland sannadkii 2008-da wuu beeniyay hadalka madaxweyne Faroole.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News