29.9 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

DEG DEG AH: Qarax xooggan oo dad badan laayay ayaa ka dhacay…!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ceel-waaq (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay makhaaxi ku taalla degmada Ceel-Waaq ee gobalka Gedo.

Inta la ogyahay lix qof ayaa ku dhimmatay in ka badan 10-kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Qaraxa ayaa lagu weerarray goob ay joogeen ciidamada dowladda, dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Ceel-Waaq.

Qaraxa kaddib waxaa la sheegay in ciidamada dowladda ay howgal ka sameeyeen deeganka Ceel-Waaq waxaana ay soo qabqabteen dhowr qof kuwaasoo xitaa ay jirdileen.

Ma jirto ilaa hadda koox sheegtay qaraxa balse waxaa la sheegay in uu saameen ku yeeshay magaalada oo caawa bandow ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News