25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Aqriso: Magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan wasiirada Axmed Madobe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa shegeaya in goordhow lagu dhawaaqay qaar ka mid ah xubnaha fullinta maamulka KMG ah ee Jubba.

Wariye Kismaayo ku suganoo oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in siddeed xubnood la magacaabay kuwaasoo ah golaha wasiiradda maamulka KMG ah ee Jubba.

Afhayenka maamulka Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa akhriyay digreeto ka soo baxday Axmed Madoobe.

Wuxuuna sheegay in madaxweynuhu uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulkiisa, waxaana loo magacaabay Suldaan Cabduqaadir Maxame “Luga dheere”

Wasiiradda la magacaabay ayaa kala ah:

1-      Madaxweyne ku Xigeenka 2aad Jubba-land – Suldaan C/qadir Maxamed’’Lugadheere (Hawiye/Shiikhaal).

2-      Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha-Axmed C/Xafiid Maxamed(Digil iyo Mirifle/Dabarre ).

3-      Wasiirka Beeraha’Xoolaha & Kalluumeysiga-Prof-Maxamed Aadan Jaamac (Daarood/Mariixaan Habar Ciise

4-      Wasiirka Arrimaha Bulshada-Macalin Maxamed ibraahim Maxamuud(Daarood/Ogaadeen-Coolyahan ).

5-      Wasiirka Caafimaadka & Fayo-Dhowrka-Xasan Daahir Yaroow(Daarood/Mariixaan Rer Xasan).

6-      Wasiirka Qorsheynta & Xidhiidhka Caalamiga- Maxamed Nuur iftiin :Shambaro’’ (jareer Weyne ).

7-      Wasiirka Arrimaha Gudaha Amniga-Maxamed Warsame Faarax Darwiish’’ (Daarood/Majeerteen-Bicidyahan).

8-      Wasiirka Maaliyadda- Maxamed Sh. Yuusuf Cumar (Coor-Male ).

9-      Wasiirka Macdanta’Biyaha iyo Bey’adda-Cabdinuur Cali Aadan ( Hawiye/Gaaljacel).

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News