27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

DHAGEYSO: Maamulkii Prof. Gaandi oo ka horyimi golaha wasiirada A/Madobe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Maamulka Azaaniya oo   dhowr sano ka hor lagu dhisay wadanka Kenya madaxweynaha u doortay Prof, Maxamed Abdi Gaandi oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay iminka xubno u hadlay sheegeen inay si weyn uga soo horjeedaan wasiirada maamulka Jubba loo magacaabay.

Xabiibo Xasan Warsame oo ah xildhibaanad ka tirsan maamulka Azaaniya ayaa waxay sheegtay in wasiirada iminka loo sameeyey Jubba tahay kuwa aan laga fiirsan oo si qaldan lagu soo magacaabay. Iyadoona intaasi ku dartay in aan laga talogelin.

” Dhulka Jubba anagaa u soo halganay oo laheyn qorshihii lagu qabtay. Wax talo ah oo aan ku yeelanay ma leh wasiiradaasi. Waxaana u aragnaa inay tahay magacaabis uu sameeyey nin dalka xoog ku heysta” ayey tiri Xabiibo Xasan Warsame oo kasii hadashay qorshahooda arrintaasi ku aadan.

” Anaga awalba waxaan aheyn urur nabadeed, mana nihin urur dagaal. Waxaana sugeynaa xilliga ay soo noqdaan sharcigii dalka kadib marka ay iska baxaan hogaamiyayaasha safaariga ah” ayey tiri Xabiibo Xasan Warsame.

Maamulka Azaaniya ayaa markii lagu dhawaaqay isaga oo aan tegin meeshii loo soo dhisay waxa uu markaliya noqday mid magac ahaan un ah. Waxaana muddo kadib la arkayey hogaamiyihii maamulka Azaaniya Prof, Maxamed Abdi Gaandi oo qeyb ka noqday xubnaha u olololeynayey dhismaha maamulka Jubba.

Xabiibo Xasan oo xildhibaanad maamulkaasi Azaaniya ah ayaan weydiinay halka maamulkasi ay ku hadleyso afkiisa ku danbeeyey, haddiiba Gaandi baarlamaanka Soomaaliya uga biiray. Waxaase ay sheegtay inuu maamulkooda u itaal sheegtay Ahmed Madoobe. Waa sida ay hadalka u dhigtaye.

” Azaaniga waxaa afgambiyey Ahmed Madoobe, waana afgambi aan dadka gobolka la qabno dhamaanteen. Waxaana xaqiiqo ah in anaga ujeedkeenu yahay nabad. Sideedana xisbi ma baaba’o ee mabda ayaa baaba’a, anagana (AZAANIYA) waxaan jireynaa ilaahadafkeena aan gaarno” ayey tiri Xabiibo Xasan Warsame.

Dhinaca kale waxaa ay rajo xumo ka muujiyey inuu madaxweynaha maamulkooda Azaaniya Prof, Maxamed Abdi Gaandi oo hadda ku jira oloolanka Ra’iisul wasaarenimada Soomaaliya, iyaddoona sheegtay in marka la fiiriyo nidaamka awood qeybsiga uusan dadka u wada sineyn inay xilkaasi sahal ku helaan.

Waxaase ay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ay ugu baaqday inuu Ra’iisul wasaaraha cusub kusoo xusho inuu yahay nin ka yimid koonfurta Soomaaliya islamarkaana leh awood ciidan, iyaddoona intaasi raacisay inuu qofkaasi noqdo mid qabiilkiisa raali ay ka yihiin oo aan aheyn mid cid kale wadato. Waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Prof, Maxamed Abdi Gaandi ayaan ilaa hadda ka hadal dhankiisa wasiirada cusub ee loo dhisay maamulka Jubba inkastoo haddana uu ka mid yahay raga lagu tiriyo inuu gacanta midig u yihiin hogaamiyaha maamulka Jubba Ahmed Madoobe. Waxaase la ogeyn inuu warkan kasoo yeeray xildhibaan Xabiibo Xasan uu la qabo iyo in kale.

Halkan ka dhageyso Wareysiga

Xabiibo-Xasan-Warsame-oo-ka-tirsanayd-Baarlamankii-Prof-Gaandi-ee-Azania

Isha: Kismaayo24.net

- Advertisement -

Read more

Local News