28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Hoggaamiyaal la dagaalamay AXMED Madoobe oo arrimo xasaasi shaaciyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Talaado ah shir jaraa’id ku qabtay qaar ka mid ah madaxweynayaashii isku magacaabay magaalada Kismaayo.

Raggan oo la dagaalamay Axmed Maxamed Islaam oo hadda ah hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba, waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan wasiiro uu magacaabay Axmed Madoobe toddobaadkan.

Iftin Xasan Baasto oo u hadlay madaxweynayaasha is magacaabay ayaa sheegay Axmed Madoobe in uu jabiyay qoddob ka mid ah heshiiskii dowladda iyo Axmed Madoobe ay ku gaareen bishii August magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

“Sida ku cad heshiiskii Addis Ababa, waxaa dhawaan waxaa dhawaan la rabay in la qabto wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka balse nasiib daro shirkaas uma muuqdo in uu dhacayo sababtu waxa weeye, lixdii bishii December waxaa Axmed Maxmed Islaam uu ka tallaabsaday fal ka soo horjeeda heshiiska, wuxuu magaacay wax uu ugu yeeray golle wasiiro ah, annaga ma  aqoonsani golahaas” ayuu yiri Iftiin Baasto.

Sidoo kale, shirka jaraa’id waxaa ka hadlay Cumar Buraale Axmed oo isna ka mid ahaa madaxweynayaashii ismagacaabay, wuxuu sheegay in aysan ka soo horjeedaan wasiirada la magacaabay.

Wuxuu baaq u diray, Qaramada Midoobay, Madaxweynaha Soomaaliya, Raysal wasaaraha xafiiska baneenaya iyo beesha caalamka, wuxuuna sheegay in wixii ka dhaca Kismaayo inuu mas’uul ka noqon doonno maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba, shirka jaraa’id ee maanta ay ku qabteen Muqdisho qaar ka mid ah madaxdii isku magacaabay maamulka Jubba balse xoog looga soo saaray ayaa jawaab u ah wasiiro siddeed ah oo uu magacaabay Axmed Madoobe lixdii bishan December.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News