29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Faroole oo ku eedeeyay DF Somalia in ay taageerto musharaxiinta Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe kaddib markii uu ka qaybgalay isaga iyo xubno kale oo maamulkiisa xuskii qowmiyadaha Itoobiya ee sanandkan lagu qabtay Jigjiga, ayaa ka hadlay arrimo badan isagoona dhaliil u jeediyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha oo dad fara badan kula hadlaayay barxad Garoowe ku taalla ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageero siiso qaar ka mid ah musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland.

Faroole ayaa sheegay in ay ka war qabaan qaar ka mid ah musharrixiin in laga soo diray Muqdisho oo la rabo in lagu burburiyo horrumarka Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Faroole waxaa kaloo uu ka hadlay guddi ay magacaabeen musharrixiinta kuwaasoo ay sheegeen in ay yihiin guddiga xillinta khilaafaadka doorashadda, wuxuu tilmaamay in aysan xaq u lahayn in ay magacaabaan guddi, isagoona intaas ku daray in maamulkiisa uun ay magacaabi karaan guddiga khilaafaadka.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa dhinaca kale sheegay in uu ku kalsoon yahay doorashadda soo socota in la dooran doono isaga iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Cabdisamad Cali Shirre.

Wuxuu ku celceliyay in ay sixi doonaan dhaliilo badan oo uga timid bulshadda reer Puntland haddii ay markale dib ugu soo laabtaan xafiiska.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyn ammaanay maamulka dowlad deeganka Soomaalida ee Itoobiya, wuxuu sheegay in uu halkaas ku soo arkay wax yaabo badan oo lagu dayan karo. “dad is jecel ayaan soo arkay oo maalkooda ka dambeeya” ayuu yiri Faroole.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News