Muqdisho (Caasimada Online) Ilo xog ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in meel gabagabo ay soo gaartay xulashada raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmahan kulamo kula yeelanayay xafiiskiisa ragga isku garbinaya in ay qabtaan xilkaas iyo kuwa kale oo kafiil ah rag ay u doonayaan in loo dhiibo xafiiska.
Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan maalmo gudahood lagu dhawaaqi doono raysal wasaaraha cusub ee Somalia. Xittaa ilo-wareedyo qaar ayaa sheegaya inay suurta gal tahay in maanta ama berri la shaaciyo.
Rag badan ayaa isku soo taagay xilka raysal wasaaraha, waxaana la lee yahay qaar badan madaxweynaha wuxuu u muujiyay in uusan hadda u magacaabi karin xilkaas.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulamo la qaatay ragga isku soo taagan xilka raysal wasaaraha, wuxuuna siiyay min 30-daqiiqo mushariixiinta wuxuuna ka dhageystay qorshaha ay doonayaan haddii ay noqdaan raysal wasaaraha cusub.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka hor yimid baaqyo uga yimid dadk hor boodayay in uu xilka raysal wasaaraha u magacaabo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Raggii ugu cad-cad in xilkaas loo magacaabo ee waxaa sidoo kale ka mid ahaa:
1- Xuseen Cabdi Xalane oo horrey u soo noqday wasiirka maaliyadda Xukuumadii Farmaajo
2-Nuurudiin Aadan Diiriye waa siyaasi reer Puntland.
Si kastaba ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay u badan tahay in loo magacaabo Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex, oo ay isku dhow yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, kana soo jeeda beesha Sade, haddii aanay wax is-beddelin
Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku diyaarinaya in uu u safro dalka Kenya halkaasoo oo uu uga qaybgalaayo maalinta xoriyda Kenya, waxaana la lee yahay maanta ama berri ayuu magacaabi doonaa raysal wasaaraha cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho