25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

AMISOM oo u digniin u dirtay SHARIIF Xasan Sheekh iyo siyaasiiyin kale

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay waxaa maanta oo Arbaca ka dhacay kulan labo geesood ah oo ay yeesheen saraakiisha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM  iyo Xildhibaanno iyo siyaasiyiin Baydhabo ku sugan.

Ilo xog ogaal oo Baydhabo ku sugan, ayaa Caasimada Online u sheegay in kulan ay ka qaybgaleen xildhibaanno ay ka mid ahaayeen Shariif Xasan Shiikh Aadan , Shiikh Aadan  Madoobe, Maxamed Ibraahim  Xaabsade iyo guddoomiyihii horre gobalka Baay Cabdi-Fataax Maxamed Ibraahim Geesay.

Waxaa lagu eedeeyay siyaasiyiintan in ay abuurayaan falal ammaanka wax u dhibaya,magaaladana ay ka abuureen jahwareer iyo kulamo gooni gooni ah.

Saraakiisha AMISOM ee Baydhabo ku sugan ayaa u sheegay xildhibaannada iyo siyaasiyiinta in ay magaalada isaga baxaan haddii aysan ka qayb qaadan karin ammaanka magaalada maadama ay dhaceen dilal iyo falal ammaanka qalqal gallin kara.

Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay markii ay magaalada yimaadeen xildhibaanno iyo siyaasiyiin ay kala hoggaaminayaan Aadan Madoobe iyo Shariif Xasan in magaalad ay ka dhaceen dilal qorsheesan oo qaarkood la xiriir arrimo siyaasadeeed.

Waxaa kaloo loo sheegay raggan siyaasiyiinta iyo xildhibaannada isugu jirra in aan loo dul qaadan doonin falalka ammaan darida ee magaalada ku soo kordhay waxaana lagu wargaliyay in wixii ka dhacay ay mas’uul ka noqon doonaan.

Si kastaba, waa digniintii ugu cusleed ee loo jeediyo xildhibaannada ku sugan Baydhabo oo kor u dhaafaya 40 mudane, waayo magaalada waxaa la sheegay in ay ka billaabeen kulamo gaar ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News