27.2 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Dowladda ETHIOPIA oo xirtay weriye caan ka ah dalka Somalia, Sabab?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa uu ku xiran yahay Wariye Maxamed Aweys Muudeey oo Boqorka bartamaha loo yaqaano.

Wariyaha ayaa ka mid ahaa tiro Soomaali ah oo bishii October lagu xiray xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Boole oo Addis Ababa ku taalla halkaasoo uu ka dhacay qarax la sheegay in lagu diyaariyay.

Wariyaha ayaa tan iyo xilligaas wuxuu ku jiray xabsi Addis Ababa ku yaalla, halkasoo hadda la sheegayo in uu ku xanuunsanayo.

Boqorka Bartamaha ayaa ka mid ah wariyaashii ugu caansanaa ee magaalada Muqdisho, laakin wixii ka dambeeyay markii dilalka wariyaasha ay ku bateen Muqdisho ayuu u cararay magaalada Addis Ababa halkaas ayuu ku noolaa.

Qoyskiisa oo la soo xiriiray Shabakadda Caasimada Online, ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya gaar ahaan safiirka Soomaaliya u jooga Addis Ababa Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan in uu sii daayo wariye Boqorka barrtamaha.

Waxa ay sheegeen in uusan wax lug ah ku lahayn qaraxaas oo ay ku dhinteen labo qof oo la sheegay in ay ahaayeen kuwii diyaariyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News