Wanshinton DC (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ku xuntahay xukunkii ku dhacay gabar wariya ah oo sheegtay in ay kufsadeen shaqaale ka tirsan Radiyaha dowladda iyo Maxamed Bashiir Xaasho oo ah wariyihii wareyestay iyo mulkiilaha Idaacadda Shabeelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, gaar ahaan laanta Afrika, ayaa lagu sheegay in xukunada noocan ah ay dhalinayaan su’aalo la xiriira difaaca dadka ka badbaada gacan ka hadalka jinsiga ku saleysan, iyo sidoo kale xuriyadda saxaafadda ee Somalia.
Will Stefan oo ah afhayeenka u hadlay Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay dhowrto dastuurka ay sameesatay isla markaana aysan u hiilin koox geestay tacadiyo ka dhan ah jinsiga isla markaana aan la xirin wariyaasha ku dhiirada in ay soo tebiyaan wararka la xiriirka kufsiga.
War ka soo baxay wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka, gaar ahaan laanta arimaha Africa, ayaa lagu sheegay in xukunada noocan ah ay dhalinayaan su’aalo la xiriira difaaca dadka ka badbaada gacan ka hadalka jinsiga ku saleysan, iyo sidoo kale xuriyadda saxaafadda ee Somalia.
Afhayeen u hadlay wasaaradda Arimaha Dibadda Mareykanka oo la yirahdo Will Stevens ayaa sheegay in xukunkan uu saameyn ku yeelanayo rabitaanka dadka ee ku aadan inay soo tabiyaan ama soo sheegaan falalka kufsiga ah ee lagu kaco.
Warkan kooban ee ka soo baxay wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Somalia inay difaacaan difaacaan dumarka la sheego in kufsi loo geysto ayna cadaaladda la tiigasadaan kuwa kufsiga geysta, lana marsiiyo sida sharcigu qabo.
Waxaa sidoo kale dowladda Somaliya ku boorineynaa ayaa warbixinta lagu yiri inay dhowrto dastuurkeeda oo ay xushmeyso xaqqa dadka uu u siinayo inay helaan dacwad qaadis cadaalad ah iyo saxaafad xur ah.
Warbixinta ayaa lagu yiri xarig lagula dhaqaaqo shaqsiyaad ka hadla kufsi ama soo tabiya tacadiyada kale ee ku saleysan jinsiga, waa mid ka hor imaaneysa qodobada wax difaacaya ee ku jira dastuurka Somalia, waxey fariin qaldan u direysaa labadaba kuwa kufsiga geysta iyo kuwa loo geysto, waxeyna niyad jebineysaa, in lagu dhiirado oo la soo sheego dadka geysta falal dambiyeedyada waaweyn ah.
Sagaalkii bishan December ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay xukunno kala gedisan ku riday gabadha sheegtay in la kufsaday, oo lagu xukumay lix bilood oo xabsi guri ah, wariyihii wareystay ayaa lagu xukumay lix bilood oo xariga ah oo uu gadan karo, halka milkilaha idacadda shabeele ay ku xukuntay hal sano oo xarig ah.
Caasimada Online
Xafiiska Wanshinton DC
[email protected]