Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in goor dhow lagu wado in madaxweynaha Somalia uu ku dhowaaqo ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia.
Weriyayaal dhowr ah oo uu ku jiro weriyaha Caasimada Online ee Muqdisho, ayaa looga yeeray madaxtooyada, ayada oo loo sheegay inuu shir jaraa’id qabanayo madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxaa sidoo kale iyana loo yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si ay goob joog uga noqdaan magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia
Dhinaca kale Ilo wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in ilaa saddex xubnood isugu soo hareen qabashada xilkaas, kuwaasoo marba marka ka dambeysay ay soo baxayeen warar sheegayay inay u dhow yihiin xilka Ra’iisul Wasaaraha.
Waxaa ay kale yihiin;-
Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex
Cabdi Weli Sheekh Axmed
Xuseen Cabdi Xalane
Si kastaba waxaa lagu warramayaa inay u badan tahay in la magacaabo Cabdi Weli Sheekh Maxamed
Wixii arrintan kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allah