26.8 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Xog: Axmed Madoobe iyo Deni oo gaaray heshiis halis ku ah Villa Somalia

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Maamullada Puntland iyo Jubbaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa saacadihii u dambeeyay kulamo xasaasi ah ku lahaa magaalada Garoowe.

Kulamadan oo labada masuul uga arrinsanayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka, ayaa lagu gaaray is-afgarad ballaaran oo ku aaddan sidii ay labada maamul uga mideyn lahaayeen mowqifkooda ku aaddan arrimaha doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo la dagaallanka siyaasadaha Villa Somalia.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada hoggaamiye ayaa ku heshiiyay sidii ay dagaal mideysan ula geli lahaayeen hoggaanka Dowladda Federaalka, maadaama ay kasoo horjeedaan qorshaha Villa Somalia ee doorashooyinka qof iyo codka ah, iyo isbeddelka dastuurka ee lagu wado in lagu sameeyo marxaladdan kala guurka ah.

Waxay sidoo kale shaaciyeen in dhowaan ay soo saari doonaan war-murtiyeed ay ku mideysan yihiin oo caddeyn doona mowqifkooda siyaasadeed ee ku aaddan hanaanka doorashooyinka iyo dhismaha dowladnimada dalka.

Saciid Deni oo markale la hadal hayo inuu u ordayo xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa haatan markan garab ka helaya Jubbaland oo ah saaxiibkiisii hore ee xulafada la ahaa, balse ay muddo kala geysay danaha siyaasadeed.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli taageero ka haysata dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo maamulka cusub ee SSC-Khaatumo, iyadoo qaarkood loo sameeyey muddo kordhin ay kusii fadhiyaan kursiga.

Si kastaba, Is-qabqabsiga siyaasadeed ayaa si gaar ah uga muuqda Muqdisho, halkaas oo mucaaridka siyaasadda dowladda dhexe – ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore – ay si weyn uga soo horjeedaan hanaanka doorasho ee ay wado Villa Somalia. Mucaaridku waxay sheegeen in aysan taageersanayn doorasho qof iyo cod ah oo ay gacanta ku hayso Villa Somalia, sidoo kalena aysan doonayn in lagu laabto doorashadii dadbaneyd ee 2022.

Sida ay shaaciyeen siyaasiyiinta mucaaridka, waxay doonayaan hannaan doorasho oo dhex-dhexaad ah, kaasoo aan loo adeegsan awoodda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada taageersan. Arrintan waxay muujinaysaa khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya, iyada oo aan weli la helin hannaan loo dhan yahay oo ay ku qanci karaan dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka.

Isbaheysiga cusub ee u dhexeeya Puntland iyo Jubbaland ayaa noqon kara caqabad weyn oo hor istaagta qorshayaasha dowladda dhexe, waxaana la filayaa in dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyadaasi uu sii xoogeysto, iyadoo dhinac kastaa isku dayayo inuu saameyn ku yeesho geeddi-socodka doorashooyinka iyo dib-u-habeynta dastuurka.

- Advertisement -

Read more

Local News