Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo, kaas oo uu martigeliyay maamulkiisa.
Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay fulinta qodobada kasoo baxay shirkooda, wuxuuna seegay inay ficil u beddalayaan heshiiska.
“Waxaan si rasmi ah u soo gaba-gabaynay Shirka Aayaha-Tashiga Soomaaliyeed ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Dhammaan qodobadii iyo warmurtiyeedkii shirka kasoo baxay waan fulinaynaa, waxaana naga go’an in ficil lagu beddelo wixii lagu heshiiyey” ayaa ku yiri qoraal uu soo saaray.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa intaasi ku daray in ay sii wadi doonan ka maamul ahaan dadaallada lagu doonayo in looga tashado aayaha dalka si xal waara looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee la’isku hayo.
Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in wada-hadalladu ay fure u yihiin midnimada iyo mustaqablka ummadda Soomaaliyeed.
“Mar walba waxaa naga go’an in dadka Soomaaliyeed ay tashadaan, isla markaana ay door firfircoon ku yeeshaan jihada uu dalkeennu u socda iyo aayaha ummadda Soomaaliyeed. Wada-tashi, midnimo iyo mas’uuliyad wadajir ah ayaa ah furaha mustaqbalka Soomaaliya” ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe.
Shirka Kismayo oo xalay laga soo saaray war-murtiyeed ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray xaaladda amni, dhaqaale iyo bani’aadantinimo ee Soomaaliya.
War-murtiyeedka ayaa lagu caddeeyay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku fashilmay siyaasaddii, amnigii iyo horumarinta dalka, isla markaana uu la yimid siyaasad lagu kala qeybinayo, laguna kala irdhaynayo shacabka Soomaaliyeed.
“Shirweynuhu wuxuu isku raacay in Madaxweynuhu uu dayacay ammaankii dalka, isagoo gebi ahaanba joojiyay dagaalkii lagula jiray argagixisada Al-Shabaab, ciidankii xoogga dalkana u loogay cadowga,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka mucaaradka.
Sidoo kale wuxuu goluhu waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.
Shirweynaha ayaa isku raacay haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan uu Golaha Mustaqbalka guda galayo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

