26.6 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Aabaha iyo hooyadii lagu jirdilay Siinaay oo loo geeyay Asad Diyaano + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay caawa Hooyo iyo Aabbe Soomaaliyeed oo askar ka tirsan laamaha amniga ay jirdil xun ugu geysteen xaafadda Siinaay.

Aabaha iyo Hooyada Soomaaliyeed ayuu Taliyuhu ka raali-geliyey dhacdada xad-gudubka ah ee loo geystay, waxaana uu ku macneeyey falka dhacay mid ka baxsan anshaxa iyo sharciga ciidanka.

“Waxaa naga go’an ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo la xisaabtanka cid kasta oo ka tirsan ciidanka ee jebisa sharciga ama ku xad-gudubta mas’uuliyadda loo dhiibay,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa isla caawa kulan la qaatay ehellada Aabahan ay jirdilka u geysteen askarta ka tirsan ciidanka booliska, oo qeybtood lasoo xiray galinkii dambe ee maanta.

Ehellada Aabaha dhibanaha ah ayaa Taliyaha uga mahad-celiyey siduu uga jawaabay dhacdada jirdilka ah ee ehel ahaan ay la kulmeen.

Sidoo kale waxay aqbaleen raali-gelinta ay madaxda sare kala kulmeen, kadib falkii foosha xumaa ee ay ku kaceen ciidan ka tirsan laamaha amniga.

Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi, Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo Xildhibaan Yaasiin Fareey.

Si kastaba, baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay muuqaalada, waxaana kasoo muuqday Aabe Sheekh Axmed Siicow Maxamed oo dhawaan ka qayb-galay shirkii Madasha Samatabixinta ee hoteel Jasiira, kaas oo ay jirdil xoog leh kula kaceen ciidamada saaka tegay Siinaay.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad xooggan, iyadoo mucaaradka iclaamiyya banaanbax weyn oo ka dhan ah dowladda Xasan Sheekh, kaasi o dhici doona maalinta Sabtida oo taariikhdu tahay 27 September 2025.

Mucaaradka ayaa sheegay in bannaanbaxyada ay ka dhici doonaan saddex goobood oo kala ah: Tarbuunka, Siinaay iyo Dayniile, iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay soo baxaan, si loo muujiyo diidmada gaboodfalada ay ku kaceyso dowladda.

Bannaanbaxan oo kusoo aadaya xilli xasaasi ah, ayaa noqon kar mid jid u fura kacdoon waqtigiisa ka soo hormara oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, xilli ay wajaheyso fadeexado dhul boob ah, kadib markii kumanaan shacab ah laga kiciyay dhulalkii danta guud.

- Advertisement -

Read more

Local News