Aadan Barre oo ka hadlay tallaabadii Soomaaliya ka dhanka ahayd ee uu qaaday

Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Adam Barre Ducaale ayaa mar kale ka hadlay doodda Kenya ay muranka ku gelineyso biyaha Soomaaliya.

Adam Barre Ducaale oo dhowaan baarlamanka Kenya horgeeyey qaraar ciidamo lagu geynayo dhuul-badeedkaas, ayaa sheegay in marnaba uusan oggolaaneyn in taako ka mid ah biyaha ama dhulka Kenya ay qaadato dowlad deris la ah Kenya, sida Soomaaliya, Itoobiya ama Koofurta Suudaan.

Adam Barre ayaa sheegay in uu isagu yahay qofka saddexaad ee ugu sarreeya dalka Kenya dadka Soomaalida ah faa’iidada ay ku qabaan Kenyan aysan ku qabin dalalka deriska ah.

Waxaa uu sheegay in madaxda Soomaalida ah ay inta badan degganyihiin Nairobi, xaasaskooda iyo Ganacsigoodana ku yaallo Kenya.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Adam Barre Ducaale ayaa yiri “aniga maalinkii waxaan ahay Kenyan habeenkiina waxaan ahay Soomaaliya, madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale habeenkii waa is wacnaa, waa wada shaahi karnaa”.

Waxaa uu raali gelin ka bixiyay hadalkii uu todobaadkii hore sheegay oo uu xusay in dad badan ay si kale u fasireen, isaga oo sheegay in arrintan la xallin doono.

Waxaa kale oo uu tusaale u soo qaatay madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cagjar ama madaxwenaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu sheegay in maalintii u dhasheen dalalkooda habeenkiina Soomaali yihiin.

Caasimada Onlinbe
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com