26.6 C
Mogadishu
Sunday, July 5, 2026

Aadan Madoobe oo lagu caleemo-saarayo Baydhaba iyo mas’uuliyiin maanta gaaray

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa isku diyaarineysa martigelinta xafladda caleemo-saarka hoggaamiyaha maamulkaas, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo la filayo inay maalmaha soo socda ka qabsoonto magaalada.

Iyadoo qaban-qaabada munaasabadda ay socoto ayaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale ay si isa soo taraysa u gaarayaan magaalada Baydhabo si ay uga qeyb galaan xafladda caleemo-saarka.

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim oo ay weheliyaan wafdi xildhibaanno ah ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyay hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyadoo ay halkaas sidoo kale ku sugnaayeen wasiirro, xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta wafdiga maanta gaaray magaalada Baydhabo ee ay hoggaaminayaan Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare.

Mas’uuliyiinta maanta gaaray Baydhabo ayaa la filayaa inay ka qeyb-galaan xafladda caleemo-saarka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, taas oo ay kasoo qeyb-geli doonaan madax iyo wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya gudaha dalka iyo dibadda.

Xafladda caleemo-saarka Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu wadaa inay noqoto mid si weyn loo soo agaasimay, iyadoo magaalada Baydhabo ay haatan martigelinayso wufuud iyo mas’uuliyiin u socda ka qeyb-galka munaasabadda.

- Advertisement -

Read more

Local News