Muqdisho (Caasimada Online) – Dood culus ayaa ka dhalatay ansixinta Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026, taas oo ay maanta meel-mariyeen xildhibaannada labada gole oo kulan wadajir ah ku yeeshay Villa Hargeysa.
Miisaaniyadda la ansixiyay ayaa gaareysa $1,386,807,242 (hal bilyan, saddex boqol iyo sideetan iyo lix milyan, sideed boqol iyo toddobo kun, laba boqol, afartan iyo laba dollar), waxaana guddoonka Baarlamaanka uu sheegay inay codkooda ku meel-mariyeen illaa 174 xildhibaan oo ka kooban labada aqal.
Intaas kadib waxaa qaylo dhaan afka furtay mudanayaal kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo si weyn uga horyimid ansixinta miisaaniyadda, waxayna dhaliil u jeediyeen guddoomiye Aadan Madoobe.
Xildhibaan Maxamed Diini ayaa arrinta maanta dhacday ku tilmaamay afduub, wuxuuna ku dooday in miisaaniyaddan aaney dan u ahayn ciidanka iyo ummadda Soomaaliyeed.
“Ansixin miisaaniyadeed ma ahayn waxa ay ahayd afduub miisaaniyadeed guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe waan u tegnay waan la fariisanay waxaana u sheegay in aanu ka shaqeynin wax dan u ah Ummadda Soomaaliyeed xittaa waxay u quuri waayeen iN ciidanka Xoogga dalka ay xaquuqdoodii tixigelin siin waayaan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Diini.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Sharci darro ayay ahayd Ummadda Soomaaliyeed maanta deyn horleh ma qaadan karto, mana awoodo”.
Dhankeeda Xildhibaan Faa’isa Jayte ayaa ku dooday in xildhibaano yar oo kaliya ay ansixiyeen miisaaniyadda, iyada oo sidoo kale ka digtay in dayn la siiyo dowladda hadda jirta.
“Waxba kama jiraan ansixinta lagu sheegay Miisaaniyada, xildhibaano yar ayaa gacanta taagay deyn lama siin karo dowladdan” ayay iyana tiri Faa’isa Jayte.
Si kastaba ha ahaatee, miisaaniyadda 2026 ee dooda dhalisay ayaa ka badan tii hore $27,092,914. Miisaaniyaddii hore ayaa ahayd $1,359,714,328 (hal bilyan, saddex boqol iyo sagaal iyo konton milyan, toddoba boqol iyo afar iyo toban kun, saddex boqol iyo siddeed iyo labaatan dollar).
Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa mooshin ka keenay lacag gaareysa 46 Malyan oo Deyn ah oo Dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Bankiga Horumarinta Midowga Yurub lagunasoo daray Miisaaniyadda Dowladda ee maanta la ansaxiyey.

