Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaanadda Soomaaliya ku metalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kuwaas oo ay shalay doorteen labada aqal ee Baarlamaanka.
Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen xubno ka tirsan labada gole ayaa diiradda lagu saaray shaqada hortaalla Xildhibaannada Soomaaliya ee ku biiraya Baarlamaanka EAC.
Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa ugu horreyn Xildhibaanadda ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda cusub ee loo doortay, waxa uuna sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay ka sugeyso wax qabad muuqda iyo matalaad dhab ah.
Dhankooda qaar ka mid ah Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka dalka uga mahadceliyay sida kalsoonida leh ee ay ugu doorteen in ay Soomaaliya ku metelaan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda cusub ee Soomaaliya ku meteli doona Urur Gobaleedkae Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika kula dardaarmay mas’uuliyadda ka saaran in ay si dhab ah qaranka Soomaaliyeed ugu matalaan Baarlamaanka
Xildhibaannadan oo gaaraya illaa 9 Mudane ayaa waxaa laga sugayaa in ay kor u qaadaan magaca iyo doorka Soomaaliya ee siyaasadda, dhaqaale iyo bulsho ee Bariga Afrika, isla markaana ay ku dadaalaan mideynta iyo horumarka gobolka.
Doorashada xubnahan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ayaa ku guuleystay buuxinta kuraasta xildhibaannada ee laga rabay, taas oo kordhineysa tirada xubnaha baarlamaanka bulshada bariga Afrika, oo haatan noqotay 82 xildhibaan.
Sidoo kale, Soomaaliya ayaa la filayaa in ay soo magacowdo garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda bariga Afrika.
Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka ay si rasmi ah u ansixiyeen bishii November ee sanadkii aanu soo dhaafnay ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa in ay soo magacaabaan wasiirka horumarinta bariga Afrika.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan si weyn uga qayb-qaadata dhaq-dhaqaaqa urur goboleedkan, waxaana dhawaan ay marti gelisay shirweynaha EACCON 2025 oo Muqdisho ka dhacay, kaas oo ay ka qayb-galeen in ka badan 350 ergo oo ka kala socota dalalka ku mideysan urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC).