Aadan Madoobe oo tegay saldhigii lagu dagaalamay, una digay mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe ayaa galinkii dambe tegay saldhiga degmada Warta Nabadda, halkaas oo shalay iska hor imaad ku dhexmaray ciidanka booliska iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo indha-indheeyay baaxadda khasaaraha goobtii lagu dagaalay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadii shalay ka dhacday saldhiga ciidanka booliska.

Aadan Madoobe ayaa ku baaqay in cidda ka dambeysay falkii foosha xumaa ee shalay ka dhacay saldhiga Warta Nabadda ay qaadato masโ€™uuliyadeeda, taas oo ka dhigan in mucaaradka uu garowshiyo ka bixiyo dhacdadii shalay.

“Xabadaha aan saldhiga ku arkay xitaa waa ka weyn yihiin kuwii dagaallada sokeeye, waan ka xumahay,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo warbaahinta kula hadlay saldhiga Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara hurin colaadeed, isagoo ka digay abaabulka ay mucaaradka ka wadaan magaalada Muqdisho. “In shacabka lagu dhiirigaliyo dhibaato kale oo dhacda, waan ka xumahay taas,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha ayaa laamaha amniga, gaar ahaan ciidamada booliska gobolka Banaadir ugu baaqay inay adkeeyaan sugidda amniga caasimadda, si looga hortago fal kasta oo lidi ku xasilloonida iyo amniga bulshada.

Tan ayaa imanaysa xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya amar buuxa siisay laamaha amniga dowladda, si ay uga hortagaan fal kasta oo qalqal gelinaya amniga caasimadda iyo dhaq-dhaqaaqa mucaaradka.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin fowdo iyo in la abuuro amni darro.

“Laamaha amniga waxaa farayaa inay shaqadooda qabsadaan, anigoo wakiil uga ah xukuumadda Dan-Qaran, waxaan idin soo gaarsiiyay laamaha amniga meel kasta oo joogaan in wixii qalqal gelinaya dalka Soomaaliya in gacan bir ah lagu qabto,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Wasiirka ayaa caddeeyay in aysan cidna kala gorgortameyn amniga, isagoo marmarmsiyo raqiis ah ku tilmaamay doodda mucaaradka ay ku sheegeen inay saldhiga ciidanka u tageen si ay u soo damiintaan shaqsiyaad loo xiray arrimaha dhulka danta guud.

Arrimahaan ayaa uga sii daraya amniga caasimadda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda, oo salka ku haya wax ka beddelka dastuurka iyo sidoo kale arrimaha dhulka danta guud, oo mucaaradka si adag uga horyimid barakicinta shacabka.

- Advertisement -

Read more

Local News