Sheekh Aadan Madoobe oo warbixin laga siiyey kiiskii badda ee Somalia iyo Kenya

Hague (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya oo haatan booqasho rasmi ah ku joogo dalka Netherlands ayaa maanta lagu soo dhoweeyey xarunta dhexe ee maxkamadda cadaaladda adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICJ.

Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa dhismaha weyn ee maxkamadda ku soo dhoweeyey madaxweynaha maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, Marwo Joan E. Donoghue, isaga oo wada-hadallo gaar ah leeyashay haweeneydan.

Labada mas’uul ayaa kulankooda wuxuu ahaa isbarasho iyo is xog-wareysi ku aaddan sidii Soomaaliya loogu faa’iideyn lahaa shaqada garsoorka.

Sidoo kale Marwo Joan E. Donoghue ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya warbixin ka siisay kiiskii badda Soomaaliya iyo Kenya ee horey loo xiray, kaas oo ay  guul weyn ka gaartay dowladda federaalka oo halgan dheer u gashay dacwadda badda ee ICJ.

Waxa kale oo ay uga warbixisay qaabka ay u shaqeyso maxkamadda iyo taariikhdeeda, ayada oo guddoomiyuhu kormeeray dhismaha maxkamadda oo ku taalla The Hague.

Dhankiisa guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo isaguna madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyey, wuxuuna xusay in maxkamadda ICJ ay gacan weyn ka geysato sidii loo tayeyn-lahaa adeegyaada garsoorka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa horey ula kulmay dhiggiisa dalkaasi Marwo Vera Bergkamp, waxayna ka wada-hadleen adkeynta xiriirka labada baarlamaan iyo is-dhaafsiga aqoonta ee la xirirta xildhibaannadda iyo howlwadennada baarlamaanada ladaba waddan.