Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Xildhibaanada Kooxda Aalla Sheekh ay ku kala jabeen Doorashada, iyadoo Musharaxa ay wateen oo ahaa Sheekh Shariif ay uga baxeen ballanka.
Xildhibaanada ku kala jabay taageerida Sheekh Shariif, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay kamid yihiin Xildhibaan Xasan Macalin, Axmed Macalin Fiqi iyo Abshir Bukhaari oo si lama filaan ah ku noqday Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare.
Abshir Bukhaari oo si aad ah u taageersanaa Sheekh Shariif ayaa la sheegay in Saacadihii ugu danbeysay uu ka laabtay taageerida Musharax Sheekh Shariif oo dhaqaale xoogan ku bixiyay noqoshadiisa Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare.
Xildhibaan Xasan Macalin iyo Axmed Fiqi oo ka tirsan Kooxda Aalla Sheekh ayaa iyaguna la sheegay inay qaadaceen soo saarida Sheekh Shariif, kadib markii la kala dhex dhigay mugdi Siyaasadeed.
Sidoo kale, Xildhibaan Xasan Macalin iyo Axmed Fiqi ayaa saacadihii ugu danbeeyay hakiyay ololihii ay u wadeen Sheekh Shariif iyadoo aan la garaneynin sababta ka danbeysan kala irdhoobida Xildhibaanada Aalla Sheekh iyo Sheekh Shariif.
Dhinaca kale, waxaa mugdi Siyaasadeed la kala dhex dhigay Xildhibaano dhowr ah oo ku midoobay soo saarida Sheekh Shariif, waxa ayna tani muujineysaa Jahwareerka ka dhex oogan Xildhibaanada iyo Musharax Sheekh Shariif.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]