Addis ababa (Caasimada Online) –ย Raโisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa shaaca ka qaada in dowladiisu ay sii adkeyn doonto xiriirka kala dhexeeya dowlada Imaaraadka carabta.
Abiy waxa uu sheegay in xalka Ethiopia uu yahay mid ku jira kasbashada dowladaha Khaliijka sida Imaaraadka iyo Sacuudiga.
Waxa uu Abiy Axmed cod dheer ku sheegay in la kulankiisa dhaxalsugaha Imaaraadka iyo Madaxweynaha Eriteria ay bilow u tahay horumarka Ethiopia, waxa uuna cadeeyay in Ethiopia ay garaneyso halka ay ka raadin laheyd horumarkeeda.
โEthiopia meel waliba gacanta ayey galin doonta waxaa naga goโan inaan raadino wadada horumarka Ethiopia, anagu cidina duulaan kuma nihin ee waxaanu baadi-goobeynaa waxa naga maqanโ
Abiy waxa uu sheegay in mudada uu hayo xilka ay Ethiopia ka heshay Imaaraadka dhaqaale xoogan, hase yeeshee uusan heli doonin dowlad u bedeli doonta Imaaraadkaโ
โHalka ay dantu nabido ayaan gacanta galin doona Ethiopia maslaxadeedu waxa ay ku jirtaa garabsashada Imaaraadka iyo Eriteria, waxaanu ogaanay inaanu hormar gaareynin hadii aanu wanaajin Eriteriaโ
Sidoo kale, Abiy Axmed ayaa qiray in muddo kooban ay Imaaraadka uga heleen balaayiin lacag ah waxa uuna talaabadaasi ku muujiyay mid ku khasbeysa danta inay u jilicsanaadan Imaaraadka.
Haddalka Abiy Axmed ayaa u muuqanaaya mid mugdi galinaaya heshiiskii kala dhexeeyay Somalia maadaama ay garabsaneyso Imaaraadka carabta.
Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa