Abiy Ahmed oo magacaabay laba wasiir oo halis ku noqon kara Soomaalida

Abiy Ahmed iyo kacdoonkii guuleystay ee ay shucuubta Itoobiya uga taqaluseen Xisbigii TPLF oo 27 sano muquunin dalkaas ku haystay waa sanad jirsaday.

Mudaddii sanadkaas ahayd waxaa dhacay is bedello badi la mahadiyey sida; nabadeynta xadka Ethio-Eritrea, sii deynta maxaabiistii siyaasadda u xirnaa, soo dhaweynta jabhadihii dibad joogga ahaa, siyaasad arrimo dibadeed oo saaxiibtinmo ku dhisan iyo bilowga hirgalinta dhaqaale xor ah!

Hayeeshee, tallaabadii ugu dambeysay ee uu qaaday Raisul Wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed waa mid TUHUN dhalinaysa iyo in dib ay sheekadu ugu laabaneyso meeshii hore (Square One) balse ay is bedeleen wajiyada uun.
Maxaa dhacay?

Sida ay warbaahinta dalkaas lagu xaqiijiyey Abiy Ahmed waxa uu is bedel ku sameeyey Golihiisa Wasiirada isaga oo magacaabay laba shaqsi oo udub dhexaad u ahaa kacdoonkii uu ku yimi.

Labadaas shaqsi mid waa Madaxweynihii is maamulka Oromia Lemma Megersa oo uu geeyey Wasaaradda Gaashaandhigga kan kale waa Madaxweynihii ismamaulka Ahmara ee Gedu Andargachew oo uu ka dhigay Wasiirka Arrimaha Dibedda.

Ujeedka labadaas shaqsi loogu magacaabay jagooyinkaas

Maamulka uu hormuudka ka yahay Abiy Ahmed ee iminka majaraha u haya Itoobiya waxaa ka go’an in ay talada dalkaas si buuxda gacanta ugu dhigaan oo ay gebi’ahanba meesha ka saaraan reerka Tigreega loo yaqaan ee tirada yar balse 27 sano awoodda haystay.
Taas oo jirta, Tigeeraga qolo kaliya meesha si fudud ugama saarteen oo waxaa is bahaysi DANI ku bidday ah sameystay Oromada iyo Amxaarada kuwaas oo wali isla socda!

Yeelkeede, saaxiibtinimada labadaas qolo faro ayaa ku go’adan waxa ayna weydiimo saran yihiin ilaa iyo inta ay isla sidii jaan qaadi karaan! Waxaa taas tusaale u ah labada xi lee uu Abiy hadda u kala dhiibay!

Oromada, siiba shaqsigii sababteeda lahaa in uu Ra’isul Wasaare noqdo Abiy Ahmed, Lemma Megersa oo ah Oromo waxa uu u dhiibay Wasaaradda Difaaca, ujeedka waa in qoymiyadaas oo boqolaal sano guumeysi iyo dacadiyo kala kulmeysay Ahxaarada iyo Tigreega oo la’isku yiraahdo ‘Abyssinian Stock” ay awood ku yeelato ciidama iyo dhammaan laamaha ammaanka! Amxaarada oo ay hadda kula jiraan is xulufeysi DANI ku bidday ah waxaa loo dhiibay Wasaaradda Arrimaha Dibadda!

SAAMEYNTA AY SOOMAALIDA KU YEELAN KARTO

Is beddeladan cusub ee uu Abiy Ahmed la yimi waa kuwo wata saameyntooda dhinac walba ha ahaatee, waxaa loo baahan yahay in Soomaalida ay ka feejignaadaan haddii ay ahaan lahaayeen kuwa Itoobiya ka tirsan, Jibuuti iyo Soomaaliya.

Hadaan soo qaadanno Wasaaradda Difaaca ee loo dhiibay Lemma Megersa oo ah shaqsi qowmiyaddaas uga awood badan Abiy Ahmed-ka Raiusl Wasaaraha ah, ciidamada dalkaas iyo laamaha ammaanka oo ay Oromo gacanta ku dhigto waxa ay halis ku tahay Soomaalida ay dagaalada kala dhexeeyaan Oromada, Is maamulka Soomaalida waxaa looga baahan yahay in ay soo jeedaan oo aysan ku dagnaan dhagarta uga imaan karta halkaas.

Dhinaca Wasaaradda Arrimaha Dibedda, caadiyan Qowmiyadda Ahxaarada waxa ay aaminsan yihiin in dhulka Soomaaliyeed ka tirsan yahay Itoobiya oo aysanba jirin wax la yiraahdo Soomaaliya! Hase yeeshee, waxaa iyadana lagama maarmaan ah in Jibuuti iyo Soomaaliya Wasaaradahooda Arrimaha Dibedda ah taas maanka ku hayyaan oo ay il dheer ku hayyaan heshiisyada ay hadda kaddib la galayaan Itoobiya!

Gunaanad, Is bedeladda Itoobiya ilaa iyo hadda ka socda waa sida doon aan wali gaarin jihadi ay u socotay, dalkaas waa ka caadi in is bedel awoodeed oo qowmi ah ka dhaco balse waxaa habboon in Soomaalida ay ugu yaraan daristo oo ay la timaado istaraatiijiyad qowmi ah oo ay ugu babac dhigi karaan halis walba oo uga imaan karta.

W/Q: Mohammed Kaafi
Email: Muhamedkaafi@gmail.com