25.5 C
Mogadishu
Saturday, November 8, 2025

Abiy oo dib u kiciyay xiisaddii Soomaalida iyo Oromada

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Doodda muddada dheer ka taagnayd lahaanshaha magaalada Diridhabe ayaa mar kale soo cusboonaatay kaddib hadal uu dhawaan jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Abiy oo dhawaan khudbad ka jeediyay fadhiga baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in “sida ku cad dastuurka,” magaalada Diridhabe ay ka tirsanayd gobolka Oromada.

Hadalkaas ayaa sababay fal-celin weyn, iyadoo bulshada Soomaalida iyo Oromada ay si xooggan ugu kala aragti duwanaadeen arrintaas.

Muuqaallo iyo qoraallo badan oo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa muujiyay dareen adag iyo dood hor leh oo ka dhalatay hadalka ra’iisul wasaaraha.

Doodda lahaanshaha magaalada ee u dhaxeysa qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida, oo marar kala duwan soo noq-noqotay ayaa haatan markale sii xoogeystay.

Halkee ayuu salka ku haya murankan?

Diridhabe waxaa la rumeysan yahay in la aas-aasay qiyaastii sannadkii 1902, xilligii Boqor Minilik uu dhisay tareenka isku xira Addis Ababa iyo Jabuuti.

Magaaladaas oo markii hore loo bixiyay magaca Hararta Cusub ayaa si dhakhso ah u kortay, una noqotay xarun ganacsi oo muhiim ah oo ay degaan qowmiyado kala duwan, oo ay ku jiraan Itoobiyaan, Carab, Faransiis iyo Giriig.

Markii uu dhismaha tareenka dhammaaday, Diridhabe waxay noqotay meel isku xirta ganacsiga gudaha iyo dibadda dalka, taasoo ka dhigtay magaalo dhaqaale ahaan muhiim ah.

Su’aasha ah cidda ay magaaladu ka tirsan tahay ayaa la sheegay inay soo bilaabatay xilligii dowladdii Dimuqraadiga ee Kacaanka Ummadda Itoobiya, iyadoo dooddu salka ku hayso macnaha magaca “Diridhabe” iyo cidda asal ahaan deganeyd.

Cilmi-baaris uu sameeyay Dr. Darajjee Fayyisaa sannadkii 2018-kii ayaa tilmaantay in intii u dhaxeysay 1991 ilaa 1993, Diridhabe ay ka tirsaneyd Oromiya, isla markaana ay maamulayeen xubno ka tirsan Ururka Dimuqraadiga ee Dadka Oromo.

Hase yeeshee, xisbigii Soomaalida ee u halgamayay xuquuqda qowmiyadaha Ciise iyo Gurgure ayaa si cad uga hor yimid sheegashadaas.

Cilmi-baaristu waxay muujisay in markii la dhisay Dawlad-Deegaanka Soomaalida sannadkii 1993, Diridhabe loo aqoonsaday inay tahay caasimadda deegaankaas, balse arrintaas aysan meel cad ka gaarin dowladda dhexe.

Si looga fogaado muranka joogtada ah ee labada dhinac, dowladda federaalka ayaa go’aamisay in magaalada si ku-meel-gaadh ah u hoos tagto maamulka dhexe.

Sannadkii 2004-tii ayaa la ansixiyay Dastuurka Maamulka Magaalada Diridhabe (Xeer Lambar 416/2004), kaas oo dhigaya in magaalada ay si iskeed isku maamuli karto ilaa xal rasmi ah laga gaarayo arrintaan.

Sida uu xeerku dhigay, maamulka magaalada waxaa wada maamula golaha deegaanka iyo dowladda federaalka, iyadoo xilka duqa magaalada la isku wareejiyo shantii sanoba mar si ay labada dhinac u helaan matalaad siman.

Sidoo kale, cilmi-baaris uu 2017-kii qoray Balaw Warquu ayaa tilmaantay in nidaamka awood-qaybsiga ee Diridhabe uu yareeyay tartankii siyaasadeed, balse uu abuuray xaalad siyaasadeed oo aan si buuxda loo xallin.

Nidaamka maamulka magaalada lagu dhisay ayaa qareennada qaar ay qabaan in uusan si buuxda ula jaanqaadayn dastuurka dalka, taas oo keentay su’aalo iyo muran joogto ah oo ku saabsan sharciyadda maamulka Diridhabe.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News