Abiy oo qaaday tallaabo lagu soo afjarayo xiisadda TPLF

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta shaaciyay in dawladda Faderaalka ee Itoobiya ay dhistay guddi wada-hadalo la fura xoogaga gobolka Tigrayga ee woqooyiga dalkaas.

Dagaalka ayaa ka qarxay Tigray bishii Noofambar 2020, wuxuuna ku faafay gobollada deriska ah ee Canfarta iyo Axmaarada snadkii hore, laakiin dagaalka ayaa yaraaday tan iyo markii dawladda federaalku ku dhawaaqday xabbad-joojin bini’aadantinimo oo hal dhinac ah bishii Maarso.

Abiy ayaa u sheegay baarlamaanka Itoobiya “Marka ay timaaddo nabadda, waxaa la sameeyay guddi wadaxaajood, waxaana wadaxaajoodku u baahanyahay shaqo badan, guddi ayaana loo saaray daraasad ku sameyn doonaan sida loo wadahadli karo”

Waa markii ugu horeysay ee Abiy uu shaaciyo xogta guddigan.

Waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Demeke Mekonnen uu hogaaminaayo guddigan, kaasoo qaadan doona 10 ilaa 15 maalmood, si ay uga soo baaraandegaan waxyaabaha laga wadaxaajoon doono.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda gobbolada iyo kuwa daacada u ah kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa xagal-daaciyay qorshayaashii dawladdu ku doonaysay in lagu casriyeeyo dhaqaalaha, waxaana uu hakad geliyay qaar ka mid ah maalgashadayaasha shisheeye.