28 C
Mogadishu
Tuesday, June 10, 2025

ABIY oo war cusub ka soo saraay damaciisa BADDA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkiisu sii xoojin doono dadaallada uu ku raadinayo marin badeed, isaga oo ku saleynaya sharciyada caalamiga ah iyo wadahadallo diblomaasiyadeed, sida uu ku sheegay wareysi laga baahiyay Telefishinka Qaranka (EBC) Isniintii.

Abiy ayaa tilmaamay in raadinta marinka badda aysan ahayn qorshe cusub balse ay tahay arrin qaran oo muddo dheer taagnayd. Tan iyo sannadkii 1993, markii Eritrea ay madax-bannaanideeda qaadatay, Itoobiya waxay noqotay waddan aan bad lahayn, taasoo sababtay caqabado dhaqaale iyo saadka la xiriira oo baaxad leh, ayuu xusay.

“Waan ka xunnahay sida aan ku weynay marinkeenii badda,” ayuu yiri Abiy, isagoo tixraacaya sida Itoobiya ay uga baxday xeebteedii kadib gooni-isu-taagga Eritrea saddex iyo toban sano ka hor.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu dhaliilay sida Itoobiya loola dhaqmay marka loo eego xeerarka caalamiga ah ee quseeya waddamada aan marin badeedka lahayn, isaga oo ku tilmaamay arrintaas mid caddaalad-darro ah. “Dulmi muuqda ayaa lagula kacay Itoobiya, waana in si degdeg ah wax looga qabtaa,” ayuu yiri.

Abiy ayaa mar kale adkeeyay mowqifka dowladda, isagoo xusuusiyay in bishii Oktoobar 2024 uu si rasmi ah uga hadlay arrintan intii lagu jiray kalfadhigii baarlamaanka, markaasoo uu sheegay in Itoobiya ay mar kale raadin doonto marin u furan Badda Cas — iyadoo adeegsanaysa waddo nabadeed.

“Itoobiya waa dal leh dhaqaale u adeegaya 120 milyan oo qof, isla markaana ay ku hareeraysan yihiin biyo — xaq ayay u leedahay inay hesho marin badeed,” ayuu yiri. “Himiladeennu waa mid sharci ah, caddaaladna ku dhisan.”

Inkasta oo Itoobiya ay haatan ku tiirsan tahay dekedda Jabuuti in ka badan 90% ganacsigeeda caalamiga ah, haddana waxay si isa soo taraysa u muujinaysaa doonisteeda ah inay baarto marinno kale oo badeed, iyadoo adeegsanaysa iskaashi goboleed iyo wadahadallo diblomaasiyadeed.

Kowdii Janaayo 2024, Itoobiya waxay la saxiixatay Somaliland heshiis is-afgarad (MoU) ah oo u oggolaanaya Addis Ababa in ay hesho marin 19-kilomitir ah oo xeeb ah, agagaarka dekedda Berbera. Heshiiskaas beddelkiis, taasi oo Somaliland ay ku beddelaneysay in ay Itoobiya ka hesho aqoonsi.

Mogadishu ayaa si degdeg ah u cambaareysay heshiiska, waxayna dib ugu yeeratay diblomaasiyiinteedii Itoobiya, iyadoo sidoo kalena ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabo sharci ah.

Si loo dejiyo xiisadda sii kordheysa, Soomaaliya iyo Itoobiya waxay 11-kii December 2024 ku kala saxiixdeen magaalada Ankara heshiis lagu magacaabo Baaqii Ankara, oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Heshiiskaas ayaa dib u xaqiijiyay ixtiraamka labada dal ee madax-bannaanida mid walba, wuxuuna albaabka u furay in Itoobiya si sharci ah ku hesho marin badeed iyadoo adeegsaneysa dekedaha ay aqoonsan tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News