AC Milan oo diyaar u ah inay Arsenal ku tartanto saxiixa Mapou Yanga-Mbiwa (Warbixin)

AC Milan ayaa diyaar u ah inay Arsenal ku dagaalanto saxiixa daafaca kooxda Montpellier Mapou Yanga-Mbiwa.

Arsene Wenger ayaa baahidiisa u bandhigay halka uu inta badan kasoo jilaabto ee Faransiiska, wuxuuna 23 jirkaan u arkaa mid baahi bixiya Emirates Stadium, isagoona doonaya inuu soo kaxeysto xagaaga.

Daafaca heerka caalami ee dalka France ayaa qandaraaskiisu dhacayaa bisha June wuxuuna si xor ah ugu biiri karaa Gunners.

Laakiin Milan ayaa dooneysa inay Arsenal ka qasto oo ay ninka tayda leh ee daafaca lagu amaano u weeciso dhanka Serie A.

Rossoneri ayaa horay loola xiriirinaayey daafaca Marseille Nicolas N’Koulou laakiin saxaafada Talyaaniga ayaa soo tebinaaya in Milan ay xooga saari doonto inay Yanga-Mbiwa usoo dhaqaajiso San Siro Stadium.

Montpellier ayey ku adkaan kartaa inay Janaayo iibiyaan kabtankooda, waana dhabar jab ku dhaca xagaaga – Arsenal iyo Milan ayaa labadoodu nasiib u helay inay dalbadaan.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.