27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

“Adeer DF ayaa dishay wiilkeena yeysan indha sarcaad nagu ridin caddeymo ayan u heynaa”…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay dhawaan Saraakiisha DF Somalia shaaciyeen in Sargaal laba xidigle ka tirsanaa Militeriga Somalia uu isku daldalay Fillo Baydhabo ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa arrintaasi ka shifay Ehelka Sargaalkaasi dhalay.

Qadar Aadan Xaraare oo Adeer u ah Sargaalka, ayaa sheegay in Sargaalka uu ku baxay gacanta Saraakiil ka tirsan Ciidamada, waxa uuna sheegay in dilkiisa ka hor uu khilaaf dhanka ciidanka ah kala dhexeeyay Saraakiil kale.

Qadar Aadan oo shaki galiyay wararka sheegaya in Sargaalka uu is dilay ayaa waxa uu yiri “Waxaan heynaa cadeymo buuxda oo muujinaya in Ninkaasi uusan isdilin, Hay’adaha Dowaldda sida Nabad suguda iyo Xeerilaalinta ayaan kaashanay oo arrintaan nala baaray, marka waxaa nasiib daro ah in Saraakiisha Militeriga ay si ula kac ah u dileen wiilkooda”

Dhanka kale, Cali Axmed Badal Xaraare ayaa sheegaya in ay been abuur tahay wararka sheegaya in uu Askariga isaga isdilay hase ahaatee waxa ay sheegeen in la dilay.

Ma aha Sargaalkii ugu horeeyay oo lagu dhex dilo xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho, waxa ayna arrintaani qeyb ka noqoneysaa isla xisaabtan xumida ka taagan Hay’adaha Amaanka DF Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News