Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Ahlu Sunna ee Gobolada Koofur Galbeed ee Somalia Sheekh Maxamed Aw Libaax ayaa ku tilmaamay Maamulka mid aysan u dhameyn Bulshada.
Waxa uu sheegay isaga oo ka qeybgalaya Shirka Garbahaareey in hadii aan la wada tashan ay iyagana tashan doonaan.
Gudoomiyaha ayaa ku eedeeyay DF Somalia in ay is garab taagtay Axmed madoobe taasi oo uu sheegay in aysan aheyn mid ka turjumeyso dhexdhexaadnimo.
Waxa uu sheegay inaysan u dulqaadan doonin nidaamka DF ay ugu hiilineyso Maamulka Axmed Madoobe, waxa uuna taasi ku sheegay mid ay Dowlada Xassan Sheekh wakhti xun ka shaleyn doonto nidaamka qaldan oo ay howshu u wado.
Dhanka kale, Waxa uu DF ugu baaqay inay isu keento Maamulada ka jira dalka, haddii ay kusii dhaga adeegto inay garab siiso tiro maamul ah ay iyaguna tashan doonaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

