Afar koox oo Ingiriis ah oo isku heysta Klaas-Jan Huntelaar.

Klaas-Jan Huntelaar ayaa noqon doona weeraryahan lala xiriiriyo Emirates Stadium wuxuuna holac kusii shiday xiisihiisa ku aadan inuu mar uun ka ciyaaro Barclays Premier League.

Arsenal ayaa wajihi doonta Schalke 04 kulan ka tirsan Champions League waxayna kooxda ka dhisan England qiimeyn doontaa xaalada 29 jirkaan u dhashay dalka Holland.

Wuxuu xor u noqon doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka inuu ku biiro kooxdii uu rabo, waxaana Huntelaar si aad ah u doonaya Tottenham, Chelsea, Liverpool iyo  Arsenal.

Xidigii hore ee kooxaha Ajax, Real Madrid iyo AC Milan ayaa laba sano ka hor u baqoolay dalka Germany, wuxuuna markaas Milan kaga dhaqaaqay 10 milyan oo euro.

Wuxuuna diiday wax walba oo uu qandaraaska ugu dheereyn karo Schalke, waxaana loo ogolaan doonaa Janaayo inuu ku biiro kooxdii uu rabo.

Tayadiisa kubada cagta ayaan aheyn mid muran ka taagan yahay sida uu qabo tababaraha xulka Holland Louis van Gaal: “Huntelaar waa ciyaaryahanka ugu fiican inta ku qoolaaban diilinta sideed iyo tobnaad (Aaga Rigoorada).”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.