Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan Doorashada Madaxweynaha ee dhawaan la filaayo inay ka dhacdo dalka.
Musharaxiinta u tartameysa Doorashada ayaa la sheegayaa inay kor u dhaafayaan Toban musharax kuwaasi oo ku kala hari doona bilowga Doorashada.
Musharaxiinta ugu miisaanka culus qaarkood ayaa wada qorsho lagu kala yareynayo Musharaxiinta aadka u farah badan si aanu u khasaarin codadka.
Musharaxiinta ugu badan ayaa waxa uu hankoodu yahay in Musharaxnimadooda ay ku helaan xubinimada Baarlamaanka cusub, halka qaarna ay doonayaan inay gorgortan la galaan Musharaxiinta la saadalinaayo inay ku guuleysan doonaan Doorashada.
Saadasha ugu badan ayaa ah in dhamman Musharaxiinta u tartameysa Kursiga Madaxweyninimo ay kasoo hari doonaan keliya 4 Musharax oo noqon doona kuwa ugu miisaanka culus marka loo eego kalsoonida ay qabaan.
Afarta Musharax oo ay saadaashu u badan tahay in midkood uu kusoo bixi doono doorashada ayaa waxa ay kala yihiin:
1-Xasan Sheekh Maxamuud
2-Jabriil Ibraahim Cabdulle
3-Sheekh Shariif Sheekh Axmed
4-Cumar C/rashiid Cali
Musharaxiintani ayaa aad loo hadal hayaa in midkood uu noqon doono Madaxweynaha Somalia ee Afarta sano soo socta.
Musharaxiinta soo hartay ayaa loo badinayaa inay muujin doonaan Tanaasul iyagoo gorgortan la gali doona Afarta kale.
Si kastaba ha ahaatee, Afartani Musharax ee aan kor kusoo xusnay ayaa noqonaaya kuwa ugu ololaha badan.