Afar qof oo maanta lagu dilay duleedka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 qof oo  isugu jiro askar iyo dad shacab ahaa ay ku dhinteen rasaas ay fureen kooxo hubeysan oo weeraray bar koontarool oo ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dadka la dilay ay kala yihiin 2 askari iyo 2 qof oo shacab ahaa, kuwaas oo goobta ku sugnaa.

Ragga weerarka geystay oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa ka baxsaday goobta, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya.

Maydadka ayaa loo soo qaaday dhanka magaalada Muqdisho, waxaana la geeyey isbitaalka  weyn ee Madiina.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaan, balse waxay qayb ka noqoneysaa falalka ammaan dari ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo darawallada gaadiidleyda isaga kala goosha Muqdisho & Afgooye ayaa maalmahaan dambe walaac ka muujinayey amniga wadadaasi.

Falkan ayaa qayb ka noqonayo amni darrada ka jirta Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaana dhibaatooyinka dhacaya qayb ka ah dhac iyo dhibaatooyin kale oo ay geysanayaan ciyaal weero.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo maanta dilal qorsheysan ay siyaabooyin kala duwan uga kala dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, kuwaas oo loo geystay wiil lagu magacaabi jiray Cabdiweli Jeekey iyo sidoo kale Nabadoon Aadan Abshir Maadey.