25.9 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Afgambi ka dhacay dal ku yaalla galbeedka AFRIKA iyo madaxweynihii oo la xiray

Bookmark
Bookmarked

Share

Bissau (Caasimada Online) – Koox ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamada dalka Guinea-Bissau, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inay si buuxda ula wareegeen talada dalka “ilaa amar dambe,” ka dib doorashadii madaxtinimo ee lagu muransana ee ka dhacday dalkaas

Saraakiisha ayaa sheegay in ay xilkii ka xayuubiyeen Madaxweyne Umaro Sissoco Embaló, isla markaana ay hakiyeen hanaanka doorashada ee lagu muransan yahay ee dalka, iyaga oo sabab uga dhigay, in loo baahan yahay in la caddeeyo xaaladda ka hor inta aan lagu laaban nidaamka dastuuriga ah.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha si wanaagsan loola dhaqmayo.

Saraakiisha dalka Galbeedka Afrika ayaa sidoo kale ku dhawaaqay, in la hakiyay hanaanka doorashada iyo xiritaanka xuduudaha, saddex maalmood kadib doorashooyinka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.

Ku dhawaaqista ayaa lagu sheegay bayaan ay jeediyeen saraakiisha ku sugan xarunta dhexe ee ciidamada ee ku taala caasimadda Bissau, sida ay sheegtay AFP.

Barqanimadii shalay ayaa rasaas laga maqlay agagaarka madaxtooyada kadib markii rag ku labisan dareeska ciidamada ay la wareegeen wadada dheer ee soo gasha madaxtooyada.

Ilaa hadda ma cadda cidda masuulka ka ah xarigga madaxweynaha.

Rasaas ayaa ka dhacaysay caasimadda iyadoo Embaló iyo ninka ka soo horjeeda ee Fernando Dias ay sheegeen inay guul gaareen.

Sidoo kale, rasaas ayaa Arbacadii ka dhacday meel ku dhow xarunta guddiga doorashada ee Guinea-Bissau, waxayna ahayd maalin ka hor markaas oo la filayay in lagu dhawaaqo natiijada.

Dalka galbeedka Afrika ku yaala ee taariikhda kacaanka leh ayaa Axaddii waxaa ka dhacday doorasho madaxtinimo iyo mid baarlamaan.

Tartankan ayaa waxaa isaga hor yimid madaxweynaha xilka haya Umaro Sissoco Embalo iyo ninka la tartamayay ee Fernando Dias, iyadoo labada dhinacba ay guul ka sheegteen wareegii koowaad horaantii todobaadkan.

Ilaa hadda ma cadda cidda ku lug lahayd toogashada, waxaana goob joog ka ahaa wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters iyo laba kale oo ka mid ah dadka deegaanka.

Afhayeenka Embalo oom la yiraahdo Antonio Yaya Seidy ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in dabley aan la aqoonsan ay weerareen guddiga doorashada si ay uga hortagaan ku dhawaaqista natiijada cod bixinta.

Waxa uu sheegay in dadkaasi ay xiriir la lahaayeen Dias, isagoo aan soo bandhigin cadeymo. Afhayeen u hadlay Dias oo wax laga weydiiyey ayaan ka jawaabin.

Isha: BBC

- Advertisement -

Read more

Local News