Jowhar (Caasimada Online) Afhayeenka Maamulka Gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegay in guddoomiye ku-xigeenka gobalkaas uu lunsaday deeqo ay hey’adda bisha cas ee Turkiga u soo dhiibteen dadkii ay saameeyeen fatahaada Wabiga Shabeelle ee Gobalka.
Isagoo la hadlaayay Idaacadda Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, ayuu Daa’uud Xaaji Ciiro wuxuu sheegay in Yuusuf Cabdi Cabdi Cabdulle oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Gobalka Shabeellaha Dhexe uu si gaar ah ugu tuntay deeqihii gobalka loo soo diray.
” Yuusuf Cabdi Cabdi Cabdulle, wuxuu si gaar ah u leexsaday dhowr baabuur oo ay saarnaayeen gargaar nooc kasta oo ay ku jiraan cunno kuwaasoo loogu talagalay dadka Gobalka Shabeellaha Dhexe kuwaasoo ay saameeyeen fataahada Wabiga Shabeelle” ayuu yiri Afhayeenka Gobalka Shabeellaha Dhexe.
Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in maamulkooda uu berri ka yahay tallaabadan uu ku dhaqaaqay guddoomiye ku-xigeenka sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeen wuxuu Daa’uud Xaaji uu ka codsaday madaxda dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabtaan falka uu ku dhaqaaqay guddoomiye ku xigeenka oo gargaarkii gobalka suuqa ku iibsanaya dharaar cad.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

