AFRICOM oo war ka soo saartay xiisada Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa war cusub ka soo saaray dagaalka u dhexeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa PSF-ta ee weli ka socda gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee maamulkaasi.

AFRICOM ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay iska hor imaadyada kasoo cusboonaaday Boosaaso ee u dhexeeya ciidanka Puntland & PSF.

Sidoo kale AFRICOM ayaa sheegtay in ciidanka PSF ay yihiin kuwa ugu awoodda badan ee ciidamada Puntland, isla-markaana loo dhisay la dagaalanka argagixisada.

Warka ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in colaadaan cusub ay fursad weyn siineyso kooxaha argagixisada ee ku sugan Puntland.

“PSF waa ciidanka ugu awoodda badan ee Puntland u jooga la dagaalanka argagixisada. waxaan ka walaacsanahay in iska hor imaadyadani ay hoos u dhigaan awoodda PSF-ta iyo in kooxahan argagixisada ah ay fursad u helaan in ay ka faa’ideystaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mareykanka ayaa taageero tababar, mid dhaqaale iyo qalab siiya ciidamada PSF, kuwaas oo haatan dagaal kula jira maamulka Saciid Deni, waxayna xiisaddu ka dhalatay, kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyey agaasimaha hay’addaasi General Maxamuud Cismaan Diyaano.

Xaaladda Boosaaso ayaa weli qasan, waxaana xalay ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamada labada dhinac, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa ka dhacay saddex aag oo magaalada ah, sida aagga geedka Qabriga ee xaafadda Suweyto, xaafada Ridwaan oo u dhow taliska PSF & dhinaca Haamaha Shidaalka.

Si kastaba, waxaa haatan socda dadaallo lagu qaboojinayo xiisaddan, kadib markii ay Puntland ku dhowaaqday inay diyaar u tahay xabad joojin iyo wada-hadal toos ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii