26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Agaasimaha wasaaradda gaadiiidka oo lagu eedeeyay musuq-maasuq ba’an

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Gaadiidka Dowlada Soomaaliya  ayaa lagu dhaliilay musuq maasuq iyo wax isdaba marsiin kadib markii agaasimaha Gadaiidka Cali Gacal keenay shaqaale aan Wasaarada u qorneyn.

Shaqaalaha uu Agaasimaha keenay waxaa la sheegay in agaasimaha uu keensaday kuwaasoo aan ku jirin shaqaalaha u diiwaangashan Wasaarada Gaadiidka.

Waxaa durba soo baxaya in qasnada Wasaarada Gadaiidka laga waayay Malaayiin Doolar taasoo aan la ogeyn halka ku baxday iyo cida baxsatay intaba.

Mar saxaafadu wax ka weydiisay Cali Gacal arimahaan soo baxay ayuu ku jawaabay arimahaasi hala weydiiyo Wasiirka Wasaarada Gaadiiidka Saciid Qoorsheel.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa xili dhawaan Dowladu xabsiga u taxaabtay agaasimayaal dhowr ah kuwaasoo ku eedeysan musuq maasuq iyo wax isdaba marin,waxaaba kaga xanibay safarada dibada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News