26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Agaasimahii Nabad sugida Soomaaliya oo su-aal mucjiso ah soo bandhigay (Bal fur Maskaxdaada oo ka jawaab)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Agaasimahii Hay’adda Nabadsugida Somalia Ahmed Macalin Fiqi oo inta uu siyaasadda ku biirin ahaa Macalin wax ka dhiga Isguulada Waxbarashada Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed ku maaweeliyay su-aal adag ,oo xisaab ah.

Ahmed Macalin Fiqi wuxuu sheekadiisa ciwaan uga dhigay maskaxdaada fur?

Shaati aad jeclaatey ayaa qiimihiisa lagu yiri $97.00, jeebkaaduna waa maran yahey oo maba heysatid wax lacag ah, Waxaad ku oroday waalidiintaa oo aad wax ku tabeysey, meesha kuugu dhow oo aad wax ka heli karteyna ah. Hooyadaa ayaa ku siisey $50.00 oo deyn, aabana si la mid ah $50.00 ayuu ku deymiyey.

Hadaba 50 + 50 = 100.

Waxaad shaatigii ku soo gadatey $97.00

Hooyadaa ayaad dib uga celisey lacagtii ay ku deymisey $1.00

Aabahaana si la mid ah Waxaad dib ugu celisey $1.00

Adiguna nafley ayaad tahee Waxaad qaadatey $1.00

Taasoo la macna ah: In hooyadaa kugu leedahey $49.00

Aabahaana sidoo kale $49.00

Xisaab ahaan waxey soo baxeysaa 49+49=98 ?!

Marka lagu daro $1.00 ee aad adigu qaadateyna waxey wadarta Guud noqoneysaa $99.00.

Hadaba waxaa halkaan ka dhiman oo meel uu jaan cirib dhigey la la’yahey $1.00?

Waxaa la iska rabaa in la soo helo doolarkaas maqan???

By Ahmed Macalin Fiqi
https://www.facebook.com/ahmed.fiqi.7?hc_location=stream

- Advertisement -

Read more

Local News