25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Agaasime ku-xigeenka Villa Somalia oo loo magacaabay gabar horay uga tirsaneyd BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Agaasime kuxigeenka Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa wareegtada ku magacaabay Agaasime kuxigeenka Villa Somalia oo noqoneysa Haweeney lagu magacaabo Aamina Saciid.

Aamina Saciid, ayaa horay usoo noqotay Xildhibaan ka tirsan baarlamaankii KMG ee Somalia, waxa ayna iminka noqoneysaa Haweeneydii ugu horeysay oo xilkaasi loo maacaabay.

Aamina Saciid, ayaa xilka loo magacaabay kala wareegeysa Agaasime ku-xigeenkii hore oo xilkan hayay muddo labo todobaad ah.

Aamina Saciid, ayaa sidoo kale ku-xigeen u noqoneysa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji Dahir oo dhawaan loo magacaabay xilka Agaasinimo.

Sidoo kale, Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Aamina Saciid ayaa durba maanta xilka la wareegtay, kadib markii lasii wargaliyay Agaasimaha ay xilka kala wareegeysay.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadaani ayaa imaaneysa xili labadii bil ee lasoo dhaafay Madaxtooyada Somalia ay marti galineysay xil ka qaadis iyo magacaabid lagu sameynaayay Agaasinka guud ee Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News