Agaasimihii hab maamuuska madaxweyne Farmaajo oo dalka ka baxsaday kadib fal uu ku lug yeeshay (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii Hab maamuuska Madaxweynaha Soomaaliya, Saciid Maxamed Warsame (Saciid Kampala) ayaa u baxsaday dalka Turkiga, Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Saciid Kampala, oo dhanka hooyada ay ehel ka yihiin madaxweyne Farmaajo, ayaa la sheegay in ka hor inta uusan baxsan maxkamad looga yeeray, kadib markii uu ku lug yeeshay muran ku saabsan guri ku yaalla degmada Xamar Weyne oo la isku qabsaday, isaga oo garab siinayey dad ay isku beel yihiin.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa markii gurigan la isku qabsaday waxay u xukmisay dad aan ahayn kuwii uu Kampala garabska siinayey ee ku beesha ahaa, hase yeeshee Kamapla ayaan ku qancin xukunkaas, wuxuuna billaabay inuu awood adeegsado.

Sida aan xogta ku helnay, Saciid Kamapla ayaa wixii markaas ka dambeeyay adeegsaday awoodda Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, kadibna weeraray guriga Maxkamadda ay u xukuntay dadkii lahaa.

Tallaabada uu qaaday Saciid Kampala ayaa waxaa ka dhashay isku dhac dhex-maray ciidamo Boolis ah oo farageliyay arrintaas, kana jawaabayay go’aankii Maxkamadda iyo Ciidamadii uu watay Saciid Kampala.

Ciidamada Booliska oo ahaa illaa 18 askaro, lagana awood roonaaday ayaa goobta hubka looga dhigay, loona gudbiyay Xabsiga Madaxtooyada.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa aad uga carrooday falka Saciid Kampala waxayna Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida geeyeen dacwad ka dhan ah.

Sida ay wararku sheegayaan, Xeer Ilaalinta ayaa markaas kadib warqad u qortay Agaasimaha Madaxtooyada, kuna wargelisay in dacwad ka taalo Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada, lana doonayo inuu Maxkamadda ku hor-yimaado 11-ka bishan oo maanta ku beegan.

Si kastaba, Saciid Kampala oo sida la sheegay dareemay kiiskan inuu aad u wyen yahay iyo qaladkii uu galay, ayaa dalka ka baxsaday, wuxuuna maalin ka hor ka dhoofay magaalada Muqdisho, isaga oo aaday Turkiga.

Madaxtooyada ayaa la sheegay inay nasakhday kaarkiisa aqoonsiga madaxtooyada, islamarkaana amartay in lasoo celiyo gaadiid uu haystay oo laga lahaa madaxtooyada.

Si kastaba, madaxtooyada kama codsan dowladda Turkiga in Saciid Kampala loo soo gacan geliyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimda@live.com