25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Ahlu Sunna: Sheekh Soomow waxaa xirtay madaxweyne Xasan Sheikh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Ahlu Sunna ee gobalka Banaadir ayaa caawa ka hadlay xarig maanta loo geestay Afhayeenka maamulka Ahlu Sunna, Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Soomow.

Guddoomiyaha Ahlu Sunna ee gobalka Banaadir , oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Sheekh Soomow Afhayeenka Ahlu Sunna ay maanta duhurkii looga yeeray xarunta dambi baarista ee CID-da markii uu tagayna loo sheegay in uu xiran yahay.

“Walaalow ilaa hadda waxaan garan la’nahay waxa uu u xiran yahay, Sheekh Soomow, waayo markii aan tagnay CID-da waxaa naloo diidday in aan argno Sheekha, waxaan xitaa halkaas u geenay Qareen maadama qofka marka uu xiran yahay uu xaq u lee yahay, in uu qabsado qareen,laakin arrintiisa Ukun ayey nagu noqotay” ayuu yiri Sheekh Axmed Shuqul.

Mar la weydiiyay sababta loo xiray, wuxuu sheegay in  loo sheegay in Sheekh Soomow uu u xiran yahay madaxweynaha Soomaaliya.

“Markii aan tagnay xarunta CID-da oo aan weydiinay saraakiisha ciidamada sababta uu u xiran yahay, waxa ay noo sheegeen in uu Soomow u xiran yahay madaxweynaha, waana arrin aan illaa hadda la yaabanahay” ayuu markale yiri Sheekh Shuqul.

Isku soo duub ilaa hadda ma cadda wax yaabaha uu u xiran yahay Sheekh Soomow oo ah afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

- Advertisement -

Read more

Local News