Ajaaniibtii xooga lagu soo furtay oo tagay magaalada Gaalkacyo

Shaqaallo ajaaniib ah oo gacanta ugu jiray kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa maanta Xuriyadoooda dib u helay waxaana ay gaareen magaalada Gaalkacyo.

Tirada dadkan Ajaaniibta ayaa waxaa ay gaarayeen Markii hore 24 ruux laakiin labo kamid ah ayaa dhintay halka 22 kalana  Gaalkacyo la gaarsiiyay maanta.

Ajaaniibtan ayaa ka sheekeeyay markii ay gacanta kooxaha Burcad badeeda ay  ka soo baxeen ayaa sheegay in kooxaha Burcad badeeda ay ula dhaqmeen si ka baxsan Bini’aadinimada

Mid kamid ah laheestayaashii lasoo badbaadiyay ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha ay la kulmeen intii ay gacanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay ku jireen.

Hadalkiisa ayuu intaasi wuxuu ku daray in kooxaha burcad badeeda ay ragaasi ushegeen inay dilayaan hadii aysan Dowladaha ay ka dhasheen iyo shirakada iskaleh markabka aysan bixin lacago madaxfurasho ah.

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa muddo dhan saddex sano waxa ay heesteen markabka oo laga lahaa dalka Yemen shaqaalaha saarana ay udhasheen wadamo kala duwan.

Agaasimaha La-dagaalanka burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamad Axmad (Ducaysane) ayaa isna sheegay inuu fariin udirayo kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo uu sheegay inuu waqtigooda dhamaaday aysana kusoo ganban doonin xeebaha maamulka Puntland.

Shaqaalahan Maanta la gaarsiiyay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa xoog kaga soo furtay kooxaha Burcad badeeda Ciidamada Bada ee Puntland.