25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Axmed Madoobe oo 6 qodob oo halis galin kara Somalia u saxiixay Imaaraadka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo bilihii danbe aaminsanaa Siyaasada Dowlada Imaaraadka Carabta ay ka damacsan tahay Somalia, ayaa la soo warinayaa inuu qaatay go’aan ay dhawaan usoo jeedisay Dowlada Imaaraadka Carabta.

Axmed Madoobe oo Asbuucyadaani ku sugnaa magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxa uu halkaasi ku qaabilay diblumaasiyiin ka socotay Wasaarada Arrimaha Dibadda dalka Imaaraadka Carabta oo uu wehlinaayay Safiirkooda Somalia Maxamed Cismaan Alxamaada.

Axmed Madoobe iyo Diblumaasiyiintaasi ayaa si qoto dheer uga wadahadlay Doorashooyinka Somalia iyo kaalinta Xildhibaanada cusub ee dhanka Jubbaland kasoo galay Baarlamaanka cusub.

Axmed Madoobe waxa uu dulmaray wadahadaladii dhexmaray isaga iyo Safiir Maxamed Cismaan Alxamaada, waxa uuna Madoobe mas’uuliyiintaasi u ballanqaaday inuu u hogaansami doono wixii rabitaankooda ah.

Kulan wakhti dheer qaatay kadib waxaa Axmed Madoobe laga saxiixay warqad dhigeysa Heshiiska Jubbaland iyo Imaaraadka kaasi oo ku qodobeysan Doorashooyinka Somalia.

Qodobada Axmed Madoobe ay ka saxiixeen Diblumaasiyiin Imaaraadka ayaa waxaa kamid ahaa :

1-Inuu taageeri doono Musharaxa ay wataan.

2-In Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka qeybta ka imaaday Jubbaland ay codadka siin doonaan Musharaxa ay wadato Imaaraadka.

3-Inuusan wadahadal la xiriira arrimaha Doorashooyinka la furi doonin Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Musharax Madaxtinimo.

4-Inuusan ka weecan doonin qodobada la kala saxiixday.

5-Inuu u nuglaan doono talooyinka isbedelka ku imaan kara ee la xiriira Doorashooyinka.

6-Inuu wada kulmin doono Musharaxiinta Imaaraadka ay wadato iyo Xildhibaanada Cusub ee Jubbaland kasoo galay Baarlamaanka.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale Diblumaasiyiintaasi warbixin kooban ka siiyay qorshooyinka uu usoo bandhigay Xasan Sheekh, hayeeshee Madoobe waxa uu ku gaabsaday inuusan Heshiis la galin Xasan Sheekh.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Imaaraadka ayaa dhaqaale xoogan ku bixineysa hirgalinta qorshooyinkooda ku aadan Doorashooyinka Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News