27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Akhriso: Jadwalka musharaxiinta ee khudbadaha maanta billaabanaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah ay dhageystaan khudbadaha musharrixiinta Madaxweynaha Somalia, sida ay sheegeen guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha.

Musharaxiinta Is diiwaangalisay oo gaaraya ilaa 24 Musharax ayaa loo kala qeybiyay Seddex qeyb, waxaana Khudbada koowaad jeedin doona 8 Musharax oo ay soo xuleen Guddiga Doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in Dhageysiga Khidbada Musharaxiinta ay dhici doonto maalmaha Khamiista, Sabtida iyo maalinta Axada ah.

MUSHARAXIINTA MAANTA JEEDIN DOONTA KHUDBADAHA:

1- Axmed Maxamed Cabdi

2- Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

3- Bashiir Raage Shiiraar

4- Jibriil Ibraahim Cabdulle

5- Xasan Sheekh Maxamuud

6- Saciid Cabdullaahi Deni

7- Saciid Ciise Maxamuud

8- Shariif Sheekh Axmed.

Geesta kale, ololaha doorashada ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho oo siddeeda bisha Febaraayo lugu qabanayo doorashada madaxweynaha,taaso si aad ah loo sugayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News